Isbeddel Lagu Samaynayo Qaabka Loo Ciyaarayo Champions

UEFA ayaa sheegtay in laga tashanayo in isbeddel rasmi ah lagu sameeyo qaabka loo ciyaaro tartamada Champions League iyo Europa League ee marka la gaadhayo wareega siddeedda, qorshahaas oo la hirgelin doono sannadka 2024.

Xili ciyaareedkii hore ayaa isbeddello ay duruufo keeneen lagu sameeyey wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka ee tartanka Champions League, xilligaas oo Korona Fayrasku uu qasab ka dhigay in waddanka Portugal la iskugu geeyo kooxaha oo dhan oo ay min hal kulan kaliya ciyaaraan, taas oo meesha ka saartay ciyaarihii marba guri lagu dheeli jiray.

UEFA ayaa rumaysan in qorshahaasi ahaa mid shaqeeyey oo si fiican oo turxaan la’aan iyo dhibaato la’aan ah loogu guuleystay, waxaana mar kale ay ka fikiraysaa in qorshe si dhab ah loogu beddelayo labadan tartan marka ay soo gaadhaan wareegga siddeeda la hirgeliyo laga bilaabo sannadka 2024ka.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, waxa uu heshiisyo la galay telefishannada baahiya ciyaaraha, taas oo u sahashay in la beddelo nidaamkii labada lugood ee wareegyada siddeeda iyo semi-finalka, taas oo ahayd duruuftii Korona Fayrasku keenay, laakiin mar kale ayay UEFA ka fiirsanaysaa in rasmi ahaan loo hirgeliyo nidaamkaas.

Giorginio Marchetti oo ah xoghayaha guud ee UEFA, ayaa warbaahinta PA News Agency u sheegay in waqtigan aanay go’aan rasmi ah ka gaadhin arrintan, ayna miiska saaran yihiin waxyaabo badan oo ay tahay in la tixgeliyo, isla markaana xakamaynaya hirgelinta isbeddel noocan ah.

“Sharci wanaagsani marna meesha kama saaro waxyaabo ay caddahay inay qiimo leeyihiin, laakiin waxaynu ognahay inay jiraan waxyaabo badan oo loo baahan yahay in xisaabta lagu darsado, sida waqtiga, caqabadaha urur ahaan (UEFA), ku lug-lahaanshaha taageereyaasha iyo saamaynta dhaqaale, balse waxaan si dhab ah u dersi doonaa qaabkan iyo kala duwanaanshahiisa shirarka soo socda.”

Xoghayaha guud waxa uu tilmaamay inay hubanti la’aani ka jirto haddii ciyaaraha lagu soo koobo lug kaliya, sidoo kalena xamaasadi jirto, balse ay kooxaha ka  heleen talooyin wanaagsan, sidoo kalena telefishannada baahiya iyo jamaahiirtu ay talooyinkooda leeyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More