Hordhac: Burnley vs Liverpool – Reds Oo 4aad Imanaysa Caawa, Klopp Oo

Liverpool ayaa fiidka hore ee caawa waxay tegi doontaa garoonka Turf Moor oo ay marti ugu noqon doonto Burnley, waxaana guul ay kasoo gaadho ay ku geli doontaa kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay ka riixan doonto Leicester Metropolis oo xalay guul-darro kala kulantay Chelsea.

Tababare Jurgen Klopp ayaanay kooxdiisu lumin karin wax dhibco ah kulanka caawa iyo midka ugu xiga ee Crystal Palace ay Axadda la ciyaari doonaan, sababtuna waxay tahay rajadoodii kasoo qayb-galka tartanka Champions League ayaa ku jirta labadan ciyaarood.

Liverpool oo difaacan kari weyday horyaalka Premier League ee ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay, ayaa waxay soo dhex-dabbaalatay bilo aad u adag oo ay xataa qarka ugu fuushay inay ku dhamaysato meel ka baxsan afarta sare, waxaase fursaddooda usoo nooleeyey goolhaye Alisson Becker oo kulankii West Ham daqiiqaddii ugu dambaysay u dhaliyey goolka guusha oo sabab u noqday in ay kusoo dhowaadaan Leicester Metropolis iyo Chelsea.

Reds ayaa hadda culays ku haysa Leicester Metropolis iyo Chelsea, sababtoo ah, haddii ay caawa guuleysato waxay isku dhibco noqon doonaan Leicester oo ay farqiga goolasha ku dhaafi doonaan iyadoo min hal kulan uga hadhay xilli ciyaareedka. Saddexdooda kooxoodba, kulanka ugu dambeeya ayaa sidoo kale halis ku ah oo midkooda laga badiyo ay macasalaamayn doonto afarta sare.

Burnley oo horyaalka kaga jirta kaalinta 16aad, kana badbaadday halistii ay ugu jirtay in ay ku dhacdo heerka labaad, ayaa kulankii bilowgii xilli ciyaareedkan ay garoonka Anfield ugu tagtay Liverpool waxay soo gaadhay guul 1-0 ahayd, waxaanay ahayd kooxdii jabisay rikoodhkii sannadaha badan soo jiray ee Anfield aan lagaga badinin Liverpool.

Laakiin caawa ayay Liverpool doonaysaa in ay aargoosato, sidoo kalena saddexda dhibcood oo ay helaan ay uga dhigan yihiin sidii ay koob ku guuleysteen maadaama ay afarta sare ka mid noqonayaan iyadoo horyaalka hal kulan ka hadhsan yahay.

Klopp ayaa ogsoon in kooxdiisu ka maqnaan doonto Champions League haddii ay ka badin waayaan Burnley, sababtoo ah, Leicester Metropolis oo saddex dhibcood ka horreysa ayay tahay in ay soo qabtaan haddii kalena waa maca-salaama.

Rikoodhka kulamadii hore ee labada kooxood

13kii kulan ee horyaalka Premier League ahaa ee ay labadan kooxood wada ciyaareen, waxa sagaal ka mid ah guuleysatay Liverpool, halka labo kulan oo ay ku jirto ciyaartii horraantii xilli ciyaareedka ee Anfield ee 21 January 2021 ay Burnley badisay. Labada ciyaarood ee kalena barbarro ayay galeen.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Burnley vs Liverpool

Tartanka: Premier League, kulamada 37aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Turf Moor

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Goolhayaha xulka qaranka England ee Nick Pope ayaa bathroom badinayaa in uu seegayo kulankan, kaddib dhaawac jilibka kasoo gaadhay Leeds United ay ku garaacday 4-0, waxaanu tababare Sean Dyche uu rajaynayaa in kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka uu dib u heli doono.

Dale Stephens iyo Phil Bardsley ayaa iyaguna dhaawacyo gaadhay ku maqan, waxaanay ku biireen liiska xiddigaha muddada dheer jiifay ee Robbie Brady iyo Kevin Lengthy.

Dhinaca Liverpool, waxa tababarka kusoo laabtay Alex Oxlade-Chamberlain oo kulankii Axaddii kaga maqnaa xanuun. James Milner ayaa isaguna Salaasadii shalay bilaabay tababarka kaddib muddo uu dhaawac ku maqnaa, lama se filayo in uu kulankan qayb ka noqdo.

Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota ayaa isaguna ciyaartan seegaya kaddib dhaawac fudud oo uu sidoo kale ku seegay ciyaartii West Brom.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in Ozan Kabak uu xilli ciyaareedkiisii kusoo dhamaaday dhaawac, waxaana sidoo kale maqan oo aan rajo laga qabin kulankan iyo midka kale ee hadhayba Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Maptip iyo Ben Davies, halka Naby Keita uu isaguna wali dhaawacan yahay.

Nat Phillips iyo Rhys Williams ayaa kusoo wada bilaaban doona difaaca dhexe taas oo ka dhigan in Fabinho uu khadka dhexe ka ciyaari doono, halak Georginio Wijnaldum oo ciyaartii u dambaysay la nasiyey uu kasoo hormari doono Curtis Jones.

Mohamed Salah oo abaal-marinta kabta dahabka ah kula tartamaya Harry Kane oo ay min 22 gool dhaliyeen ayaa rajaynaya in uu goolal dhaliyo si kooxdiisu guul u gaadho isaguna kabta dahabka ah ugaga horreyn karo Kane.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Burnley: Peacock-Farrell; Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor; Brownhill, Cork, Westwood, McNeil; Wooden, Barnes

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, R Williams, Phillips, Robertson; Thiago, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More