“Hazard Waa Ciyaartoy Cajiib Ah Laakiin Tababarka Ayuu Ku Xun Yahay”

Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday weeraryahanka reer Belgium ee Eden Hazard, waxaana uu sheegay inuu yahay mid aan tababarka si fiican u qaadanin.

Hazard ayaa laba xilli ciyaarood oo uu joogay Real Madrid waxa uu dhibbane u noqday dhaawacyo tiro badan iyo miisaan culus oo fuulay, waxaana illaa hadda uu Los Blancos kaga qoran yahay liiska khasaaraha.

Xiddigan reer Belgium ayuu Mourinho kusoo tababaray Chelsea, waxaanay wada qaadeen horyaalka, laakiin Special One aya acaddeeyey in uu mar walba ku dhibaatoon jiray tababaridda ciyaartoygan oo aan ku fiicnayn inuu tababarka u qaato si habboon.

Mourinho oo dhowaan loo magacaabay tababaraha Roma ayaa waxa uu falanqeeye ka yahay ciyaaraha qaramada Yurub isaga oo ka shaqeeya warbaahinta talkSPORT.

Kulankii Belgium iyo Denmark ayaa wax laga weydiiyey Mourinho, iyadoo si gaar ahna loo su’aalay Eden Hazard oo beddel kusoo galay waqti dambe, waxaanu yidhi: “Hazard waa ciyaartoy cajiib ah laakiin tababarka ku xun.

“Subax kasta garoonka wuu yimaaddaa haddana si fiican uma shaqeeyo. Waad qiyaasi karaysaa waxa uu noqon kari lahaa haddii uu ahaan lahaa xirfadle sare.”

Mourinho waxa uu dhinaca kale amaan u jeediyey Hazard, isagoo yidhi: “Laakiin sida kale waa wiil cajiib ah. Waa nin qoys oo wanaagsan, waxaanu u muuqdaa in aanu la mid ahayn ciyaartoyda jiilkiisa ah.

“Waa mid aamusan oo ku fikira qoyskiisa, carruurtiisa, waalidkii. Noloshiisu aad ayay u wanaagsan tahay.”

Jose Mourinho waxa kale oo uu ka hadlay wixii uu ka filayay Hazard markii uu tegay Real Madrid, waxaanu yidhi: “Markii uu tegay halkaas, waxa aan ka filayay inuu dareemi doono cadaadis badan oo ah inuu mar walba ahaado ciyaartoy sare iyo in uu ku guuleysan doono Ballon d’Or, sababtuna waa in uu yahay ciyaartoy cajiib ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More