Haddii uu Ronaldo ku laabto Real Madrid, haddii

Zinedine Zidane ayaa hor fadhiya saxaafada Isbaanishka ka hor kulanka Real Madrid ee Elche Sabtida, taas oo u aragta inay hogaanka La Liga ka heystaan ​​shan dhibcood islamarkaana ay ku sii nagaadaan Barcelona.

Tababaraha reer France ayaa ka jawaabay su’aalo xasaasi ah oo ka bilaabanaya hadii uu Cristiano Ronaldo ku soo laaban doono kooxda kadib markii ay Juventus go, aansatay in ay iibiso inta lagu guda jiray xagaagii kadib niyad jabkii joogtada ahaa ee champions League.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Sergio Ramos, oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka bisha Juun ee sanadkaan, iyo sidoo kale Raphael Varane, oo sida ay qortay warbaahinta Isbaanishka dalbaday in la iibiyo xagaaga iyadoo hal sano uga hartay qandaraaskiisa.

“Hagaag, waad aragtaa qiimaha uu Cristiano Ronaldo ku leeyahay Madrid, waxa uu ku guuleystay, jaceylka aan dhamaanteen u heyno isaga iyo inuu leeyahay wax cajiib ah oo uu ka yiraahdo” ayuu yiri Zinedine Zidane.

“Laakiin haatan waa ciyaaryahan Juventus ah, halkaas ayuu wanaag ku dareemayaa. Waxba kuuguma sheegi karo, waxbadan baa la idhi laakiin waa inaad kuwaan ixtiraamtaa. “

Sergio Ramos ayaa wali ku jira wadahadalo ku saabsan mustaqbalkiisa Real Madrid iyadoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, laakiin Zidane ayaa aaminsan in wax walba ay si fiican ku dhamaan doonaan: “Waxaa jira dareen wanaagsan,” ayuu yiri.

“Sannad walba wuu arki doonaa sida uu dareemayo, wuxuu noqon doonaa qofka uu yahay, wuxuu awood u yeelan doonaa inuu ciyaaro ilaa uu ka gaarayo 40 jir, waxa ugu muhiimsan waa sida uu dareemayo”.

Raphael Varane waa ciyaaryahan kale oo madax xanuun ku haya Los Merengues xagaaga ka hor isla markaana diidan inuu qandaraaska u kordhiyo ilaa June 2022.

Waxaa jiray warar maalmihii ugu dambeeyay sheegayay inuu codsaday in la iibiyo xagaaga soo aadan, laakiin Zidane ayaa rajo wanaagsan muujiyay.

“Uma maleynayo inuu ka fiirsanayo inuu ka tago kooxda. Had iyo jeer wuxuu dhahaa sidaas, aadna ayuu ugu faraxsan yahay halkaan.” Ayuu yiri Zidane oo hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan u arkaa inuu halkan sii joogo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More