Guuldarada Madaxweyne Donald Trump Oo Keeni Doonta Inay

Dhaqaalaha Liverpool ayaa si weyn sarre ugu kici doona sannadka soo socda ee 2021 haddii Donald Trump looga adkaado doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.

Natiijada dhameystiran ee doorashada weli ma aysan soo bixin iyadoo ay si weyn ugu hardamayaan madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa si weyn u xiiseynaya inay ogaadaan shaqsiga noqonaya madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Shirkada Fenway Sports Group oo uu hogaamiyo John W Henry ayaa heshiis 6 bilyan ginni ah waxay kula biireysaa shirkada maalgashiga Mareykanka ee RedBall Acquisition.

Heshiiska wuxuu keeni doonaa in RedBall ay lahaato Liverpool boqolkiiba 25, halka Liverpool la dhigi doono suuqa saamileyda.

Waxaa la soo jeediyay in heshiiska ay ku midoobayaan Fenway Sports Group iyo Redball wuxuu sarre u qaadi doonaa saameynta dhaqaale ee Liverpool ee dunida.

Wararka waxay sheegayaan in Liverpool ay raaci doonto talaabadii shirkada Red Bull kuwaasoo lix kooxood dunida ku leh sida RB Leipzig iyo Red Bull Salzburg.

Heshiiska ay gaaraan labada shirkadood ee Mareykanka waxba iskama bedeli doonaan haddii uu madaxtinimada Mareykanka ku guuleysto Biden ama Trump.

Laakiin heshiiska ayaa la dedejin doonaa haddii Bidan uu ku guuleysto doorashada madaama musharaxa xisbiga Dimuquraadiga uu sarre u qaadi doono canshuurta lacagaha soo gala shirkadaha waa weyn oo markii hore aheyd boqolkiiba 23.8 isagoo ka dhigi doona boqolkiiba 43.4.

Sidaasi darteed waxay ku qasbanaan doonaan inay si degdeg ah heshiiska u dhameeyaan ka hor inta aysan dhaqangelin canshuurta cusub ee Biden haddii uu ku guuleysto madaxtinimada.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa durbaba 50 milyan ginni ku bixiyay xarun cusub oo tababar ah oo ku taala Kirkby.

Xaruntaan oo si heer sarre ah loo dhisay isalamarkaana lagu qalabeeyay teknooloojiyadii ugu danbeysay ayaa la filayay inay Liverpool u guuri doonto xagaagii laakiin waxaa dib u dhigay Korona Fayras.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More