Guler, Zirkzee, Gyokeres, Olise, Davies & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Man United ayaa diyaar u ah in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso saxiixa daafaca xulka Italy ee Riccardo Calafiori kaas oo muhiim u ahaa xulka Italy euro 2024 (Fichajes).

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis 76 milyan ah kula soo wareegto weeraryahanka Viktor Gyokeres ee Sporting CP (Leonino).

Chelsea ayaa wali isha ku haysa in ay la soo saxiixato laba weeraryahan xagaagan kadib markii ay wayday Michael Olise kaas oo ka doortay Bayern Munich (Fabrizio Romano).

Dhanka kale, Chelsea ayaa qarka u saaran inay soo gabagabeyso iibinta Ian Maatsen oo ay Aston Villa kaga iibineyso 37.5 milyan (Daily Telegraph).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Alphonso Davies kaas oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshkiisa (Relevo).

Liverpool ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Nico Williams kaas oo sidoo kale Barcelona kula jira wadahadalo (AS).

Sidoo kale Lierpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Brahim Diaz (Fichajes).

Liverpool ayaa sidoo kale Real Madrid ka doonaysa saxiixa xiddiga Arda Guler (Teamtalk).

Daafaca Lille ee Leny Yoro ayaa iska diiday Liverpool iyo Man United si uu ugu biiro Real Madrid (Marca).

Man United ayaa diyaarinaysa in ay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiiska weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee (Telegraph).

Kooxda Arsenal ayaa diyaarinaysa dalab cusub kadib markii ay Fenerbahce diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Gunners ku doonaysay Ferdi Kadioglu (Ajan Spor).

Manchester United iyo Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya 24 jirka reer Canada iyo weeraryahanka Lille Jonathan David (Sky Sports).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More