Frank Lampard Oo War Cusub Kasoo Saaray Xaaladda Thiago

Frank Lampard ayaa ka hadlay xaaladda taam ahaansho ee ciyaartoyda kooxdiisa ee Thiago Silva iyo Kepa Arrizabalaga oo seegay ciyaartii Champions League ee Krasnodar ee Arbacadii, laakiin waxay su’aali ka taagnayd haddii ay taam u noqon karayaan kulanka horyaalka Premier League ee Burnley.

Thiago Silva oo xagaagii ay lasoo saxeexatay Chelsea ayaa waxa uu ciyaaray kulankii barbarraha goolal la’aanta ahaa ee Manchester United, iyadoo 36 jirkanna lagu tilmaamay xiddigii ugu fiicnaa kooxdiisa Sabtidii, balse Rudiger ayaa beddelay ciyaartii Arbacadii oo ka garab ciyaaray Kurt Zouma.

Kepa ayaa isaguna ku maqan dhaawac garabka ah oo uu labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ba u jiifay, waxaana Frank Lampard uu dareensan yahay in xaaladdiisu kasoo raysay.

Tababare Lampard oo gellinkii dambe ee Khamiista la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Thiago Silva uu taam yahay oo uu safarkii Ruushka looga reebay si uu usoo kabto, balse uu Kepa wali ka maqnaan doono kooxdiisa.

“Thiago waa taam. In laga saaro safarkii Ruushku waxay ahayd arrimo daryeel isaga u ah. Laakiin Kepa waan la hadlay oo wuu maqan yahay. Xoogaa horumar ah ayuu ka samaynayaa dhaawaca garabka, balse waynu eegi doonaa.” Ayuu yidhi Frank Lampard.

Dhamaan ciyaartoyda kale ee Chelsea yaa badqab ah oo aanay jirin ciyaartooyo dhaawac ah, sida uu xaqiijiyey Lampard oo yidhi: “Kooxda inteeda kale, ma haysano dhaawacyo caddaan ah balse waxa jira laacibiin xoogaa yara daallan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More