Farriinta Qiirada Leh Ee Van Dijk Xalay Soo Diray, Waxa Uu

Virgil van Dijk ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhaawaca halista ah ee kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee Everton, kaas oo uu ku maqnaan doono inta ka hadhay xili ciyaareedka.

Warbixin rasmi ah oo Liverpool ay xalay kasoo saartay dhaawaca Van Dijk ayay ku sheegtay inuu mari doono qalliin, waxaanay ka baaqsatay inay caddayso muddada uu maqnaan doono, hase yeeshee ciyaartoyda ay gaadhaan dhaawacyada noocan ah ayay soo kabashadoodu qaadataa toddoba bilood illaa siddeed bilood, taas oo ka dhigan in xili ciyaareedkan uu gebi ahaantiiba ka maqnaan doono, sidoo kalena uu kulamada saaxiibtinimo ee isku-diyaarinta xili ciyaareedka dambe uu qaybo ka mid ah seegi doono.

Arrintan walaaca leh markii ay soo baxday, waxa uu Van Dijk farriin u diray taageereyaashiisa, waxaanu u ballan-qaaday inuu soo laaban doono isagoo intii ka hore ka fiican, ka caadimaad badan oo xataa kasii xoog badan.

Farriin uu ku daabacay bartiisa Twitterka ayaa uu ugu mahad celiyey taageereyaashii ducada iyo wanaagga u rajeeyey markii uu dhaawacu gaadhay.

“Galabnimadan ayaan la kulmay latalaliye sare si aan u bilaabo qorshaynta sida ugu fiican ee aan uga soo kaban karo dhaawacii isoo gaadhay. Hadda waxa aan si buuxda diiradda usaarayaa sookabashadayda waxaanan wax walba u samayn doonaa sidii aan sida ugu dhakhsiyaha badan ee ugu suurtogalsan ugu soo kaban lahaa.” Qoraalkiisa ku yidhi Virgil van Dijk.

29 jirkan oo qoraalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Ka sokow niyad-jabka caddaanka ah, waxa aan rumaysanahay in waqtiyada adag ay fursado ku jiraan, Ilaahay caawimadiisana, waxa aan doonayaa inaan idiin xaqiijiyoi inaan soo laaban doono anigoo sidii hore ka wanaagsan, ka caafimaad badan oo ka xoog badan.”

Kubadda cagta ayuu sheegay in wax waliba ay ka dhacaan, waxaanu yidhi: “Kubadda cagta, sida noloshaba, waxa aan rumaysanahay in wax waliba ay sabab ku dhacaan, waxaana muhiim ah in la isku dayo oo heerkeeda lagu waajaho in halka ugu sarraysa lagu socdo ama hoos loo noqdo. Aniga oo garab ka helaya xaaskayga, carruurtayda, qoyskayga iyo qof kasta oo Liverpool ah, waxa aan diyaar u ahay inaan waajo caqabadaha.

“Waxa qof walba uga mahad celinayaa farriimaha taageerada ah. Macno badan ayay ii samaynayaan aniga iyo qoyskaygaba, haddana waxaan samayn doonaa wax kasta oo suurtogal ah si aan u caawiyo kooxdayda si kastaba iyadoo toddobaadyo waaweyn ay nagu soo fool leeyihiin, waxaanan qaadan doonaa maalmahayga soo kabashada. Waan soo laaban doonaa.”

Liverpool ayaa kulankeeda ugu horreeya ee Van Dijk uu ka maqan yahay, waxay Arbacada iskaga hor iman doonaan Ajax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More