‘Fab Four’ – Xiddigaha Real Madrid Ka Sugayso Guusha Kulanka Liverpool

Real Madrid ayaa lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, waxay ku waajahaysaa Liveprool oo ay marti ugu tahay Anfield, waxaanay rajaynayaan in ay sii wataan guusha ay hore qayb ka mid ah usoo xaqiijisteen.

Jurgen Klopp ayaa u baahan qorshe gaar ah oo uu kula tacaalo xiddigaha hoggaamiyeyaasha u ah Real Madrid, intooda joogta kulankan, waxaanu nasiib ku leeyahay in ay maqan yihiin kuwo kale.

Warbaahinta Spain ayaa daabacday magacyada ciyaartoyda Los Blancos guusha u horseedaya, kuwaas oo lagu sawiray waddo dhex-martay magaalada Liverpool oo loo ekaysiiyey waqti hore ‘qaddiimi’.

Wargeyska Marca ayaa tilmaamay in Real Madrid ay isku hallayn doonto, guushana ka sugayso ‘afarta cajiibka ah’ ee Luka Modric, Vinicius, Toni Kroos iyo Karim Benzema.

Luka Modric wuxuu ku tamariyaa tartanka

Luka Modric oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaartan, ayaa sheegay in uu jecel yahay loollanka, isla markaana ay fiicnaan lahayd in ay Liverpool la ciyaaraan iyagoo taageereyaashooduna joogaan garoonka Anfield.

“Waxa aanu ciyaaraynaa kulan aanu ku dhamaystirayno tartanka, waxaanan jeclaan lahaa in aanu la ciyaarno iyagoo ay taageereyaashoodu joogaan Anfield. Waanu ognahay in ciyaartani adag tahay, laakiin waxa aanu ciyaartan ku qaabbilaynaa geesaha. Uma imanayno Anfield in aanu difaac galno, waxaanu u imanaynaa in aanu guuleysano.” Ayuu yidhi Luka Modric.

Vinicius waa khatarta ugu weyn ee Klopp iyo Alexander-Arnold

Vinicius ayaa lugtii hore muujiyey mid ka mid ah bandhiggiisii ugu fiicnaa intii uu joogay Real Madrid, waxaanu waddo ka dhigtay difaaca midig ee Liverpool ee uu taagnaa Trent Alexander-Arnold.

“Waan la dhacay, lamase yaabin. Qof kasta wuu ogyahay sababta ay Real Madrid ula soo saxeexatay isaga. ” Sidaas waxa yidhi Jurgen Klopp oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey Vinicius Junior, waxaanu tilmaamay in goolkii hore ee uu ka dhaliyey lugtii hore uu ahaa mid aanay cidina joojin karaynin.

Boqorka Kroos

Liverpool waxay ogtahay in fursaddeedu ku jirto in ay yarayso dhaq-dhaqaaqa iyo shaqada Kroos.

Xiddiga reer Germany ayaa ciyaartii hore caawiye ka ahaa goolka uu dhaliyey Vinicius Junior ee hore, kaas oo uu kubaddiisa ka tuuray meel fog, halka uu kan labaad ee uu Asensio dhaliyeyna kasoo tuuray masaafo intii hore kasii badan.

Jurgen Klopp oo laacibkan ka hadlay ayaa amaan kula dhacay, waxaanu yidhi: “Muddo dheer ayuu ka mid ahaa ciyaartoyga kubadda cagta Jarmalka ee hibada ugu badan ee ciyaareed leh.”

Klopp waxa uu Kroos barbar-dhigay Bernd Schuster oo Jarmal ahaa, kaas oo u ciyaaray tababarena u noqday Real Madrid.

Benzema wuxuu ka tegayaa raad

Karim Benzema ayuu xilli ciyaareedkani u yahay midkii 17aad ee uu ciyaarayo tartanka Champions Legue, waxaanay isku mid yihiin Lionel Messi, haddii uu caawa gool ku dhaliyo Anfield na, wuxuu samayn doonaa taariikh kale.

Gool uu dhaliyo caawa, waxa uu kula barbarrayn doonaa rikoodhkii goolasha Raul ee tartanka Champions League ee 71, taas oo ka dhigan in kaliya ay ka horreeyaan saddexda ciyaartoy ee Cristaino Ronaldo oo 134 gool dhaliyey, Lionel Messi oo 120 gool dhaliyey iyo Robert Lewandowski oo 73 gool dhaliyey, hase yeeshee haddii ay kooxdiisu usoo gudubto wareegga semi-finalka, waxa uu xataa soo qaban karaa Lewandowski.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More