Dhacdooyinka La Yaabka Leh Ee Taariikhd Euro-da

Koobka Qaramada Yurub ee “Euro 2024” waxa uu bilaabanayaa berri oo Jimce ah, waxaana martigelinaya Germany.

Xulka Germany ayaa furi doona tartanka iyaga oo la ciyaari doona xulka Scotland.

Tan iyo markii la aasaasay 1960-kii, tartamada Euro waxay marag ka yihiin dhacdooyin la yaab leh.

Waxaan warbixintan hoose ku iftiiminaynaa xaqiiqooyinkii iyo dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee markii ugu horaysay ka dhacay tartamada koobka qaramada Yurub..

1.Ugu Horayntii waxaa sanadkii 1960-kii ka furmay dalka Faransiiska koobkii ugu horeeyay ee qaramada Yurub, waxaana xiligaasi ka qeyb galay 4 kooxood oo kaliya.

Waxa sii socday ka qayb galka 4 kooxood tartanka tan ilaa Euro 1960 ilaa Euro 1976 oo lagu qabtay dalka Yugoslavia.

Euro 1968:

Ciyaarta furitaanka ayaa dhexmartay Talyaaniga iyo Midowga Soofiyeeti, waxaana ay ku soo idlaatay (0-0), waxaana xilligaasi final-ka u soo baxayay xulka badiya kulanka ugu horeeya.

Markii ay labada xul ku kala baxeen barbaro 0-0 ah ayay labada kooxood ku kala baxeen bakhtiyaanasiib, waxaana natiijada ciyaarta go’aamiyay bakhtiyaanasiibka kabtanka Talyaaniga Giacinto Facchetti.

Italy ayaa ku guuleysatay koobkii Euro 1968 markaas oo ay xasuuqday Yugoslavia, ciyaartii labaad, waxayna gaareen guul (2-1) ka dib markii ay barbardhac 1-1 ah ku galeen kulankii ugu horeeyay.

Euro 1976:

Tartanka Euro sanadkan waxa laba kulan la ciyaaray Furitaankii tartanka, iyadoo ciyaar ku dhex martay Czechoslovakia iyo Netherland ciyaar ka dhacday garoonka Maksimir ee magaalada Zagreb, waxaana 3-1 lagaga adkaaday Netherlands.

Ciyaartii labaad ayaa ku soo idlaatay 4-2 oo ay guusha ku raacday West Germany oo marti u ahayd Yugoslavia.

Euro 1980:

Tartankii euro 180 waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee ay 8 wadan ka qayb galaan tartanka iyada oo lagu kordhiyay 4 intii markii hore ka qayb galaysay waxana marti galisay tartanka dalka Talyaaniga.

Euro 1992:

Yugoslavia ayaa loo qorsheeyay inay ka mid noqoto 8-da kooxood ee u soo baxay tartanka, laakiin sabab la xidhiidha dagaalkii adduunka xulka ayaa laga reebay waxana lagu badalay Denmark.

Tartankan, Jarmalka Galbeedku waxay la midoobeen Jarmalka Bari si ay ugu ciyaaraan magaca xulka kubbadda cagta Jarmalka.

Ciyaartii ugu danbeysey ayaa dhexmartey Jarmalka iyo Denmark, waxaana yaab leh in Denmark ay ku guuleysatay koobka inkastoo aysan si toos ah u soo bixin.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More