DEG-DEG: Kooaha Premier League Oo Go’aan Ka Soo Saaray Aalada “VAR”

Kooxaha Premier League ayaa go’aan ay heshiis ku yihiin ka soo saaray Aalada caawisa garsooraha ee VAR.

VAR ayaa dhalisay muran badan dhinaca premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday iyada oo lau dulmiyay kooxo badan.

Garsoorayaasha adeegsanaya VAR ayaa sameeyay khaladaad badan oo kooxo badan sabab u noqday in ay dhibco lumiso premier League.

Madaxda kooxaha premier League ayaa maanta yeeshay kulan ay la galeen maamulka sare ee tartanka horyaalka premier League.

Kooxaha ayaa u codeeyay isla markaas go’aansaday in la sii wado adeegsiga VAR xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale kooxaha ayaa isku raacay in is badal weyn iyo horumarin lagu sameeyo VAR Si aan loogu dulmin kooxaha ka qayb galaya tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More