DEG-DEG: Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixoodii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Arsenal ayaa xoojisay safkeeda goolhayayaasha kadib markii ay la soo wareegtay 18 jirka da’yarta Denmark ee Lucas Nygaard.

Goolhayaa dhashay 2006 ayaa bilaa koox ahaa tan ilaa bishii January isaga oo ka soo baxay Akademiyada Nordsjaelland ka hor inta uusan ka tagin isagoo aan hal kulan ka soo muuqan.

Si kastaba ha ahaatee, Nygaard waxa uu Danmark ku kasbaday qaab ciyaareed fiican isaga oo u soo ciyaaray heerarka kala duwan ee xulka Denmark.

Arsenal ayaa barteeda bulshada ku soo qoray”Ku soo dhawoow Arsenal, Lucas Nygaard”.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno saxiixa Goolhayaha da’yarka oo ku biiri doona Akademiyada kooxda”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More