Cristiano Ronaldo Oo Qish Kasii Magaca Kooxda Uu U Dheelayo Xilli

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa qish ka bixiyey kooxda uu u dheeli doono xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22, xilli lala xidhiidhinayo in uu ka tegayo Juventus.

Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu ka tegayo Juventus oo halis ugu jirta in ay ka maqnaato tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, waxaanay arrintu cirka isku sii shareertay markii ay hooyada dhashay laacibkan ay sheegtay in wiilkeedu uu xilli ciyaareedka dambe u dheeli doono kooxdiisii hore ee Sporting Lisbon.

36 jirkan ayaa toddobaadkan waxa uu waddanka Talyaaniga ka raray baabuurtiisa qaaliga ah, waxaana qaadday shirkad saldhiggeedu yahay Lisbon oo geystay waddanka Portugal.

Cristiano Ronaldo ayaa la wariyey in aanu ku faraxsanayn qolka lebbiska  Juventus oo uu ku dareemayo go’doon, laakiin qish uu bixiyey usbuucan ayaa waxa uu meesha kaga saaray arrimo badan.

Salaasadii shalay, waxay Juventus soo bandhigtay naqshadda cusub ee dharkeeda ay xilli ciyaareedka 2021-22 ku ciyaari doonto, kuwaas  oo ay farsamaysay shirkadda Adidas, kutaas oo ay ka muuqato astaan ay kooxdu ugu dabbaal-degayso sannad-guurada tobnaad ee garoonkeeda cusub ee Allianz Stadium.

Ronaldo ayaa hormood ka noqday xiddigaha xidhay dharka cusub ee kooxda, taas oo lagu tilmaamay in uu meesha kaga saaray wararka sheegaya in uu tegayo.

Matthijs de Ligt, Weston McKennie iyo Paulo Dybala oo iyagana shaki la gelinayo mustaqbalkooda Juventus ayaa iyaguna xidhay dharka cusub ee kooxda oo lagu sawiray iyagoo garab taagan Cristiano Ronaldo.

Si kastaba, heshiiska Cristiano Ronaldo ee Juventus ayey ka hadhsan yihiin 12 bilood, waxaana haddii uu xilli ciyaareedkan sii joogo uu si bilaash ah kaga bixi doonaa Previous Woman sannad kaddib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More