Cristiano Ronaldo Oo Maanta Go’aan Laga Gaadhayo Mustaqbalkiisa

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa maanta go’aan ka gaadhaysa mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo la rumaysan yahay in tababare Massimiliano Allegri aanu ugu jirin qorshaha.

Warbaahinta ayaa xaqiijisay in maanta oo Khamiis ahayd ay Allegri iyo maamulka kooxdu shir ka yeesheen arrimaha suuqa ee kooxda oo uu liiska kaalinta ugu sarreeyo kaga jiro Cristiano Ronaldo iyo waxa laga yeelayo.

Juventus oo toddobaadkii hore shaqada ka caydhisay Andrea Pirlo kaddib markii ay kaalinta afraad kaga dhamaysatay horyaalka Serie A, ayaa waxay magacowday Allegri oo kooxdan guulo waaweyn ku hoggaamiyey intii u dhaxaysay 2014 illaa 2019 oo uu si xidhiidh ah ugu qaaday Serie A.

Miyuu Ronaldo sii joogi doonaa Juventus?

Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tegayo Juventus usbuucyadii ugu dambeeyey iyadoo heshiiskiisuna ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2022.

Saraakiil ka tirsan Juventus ayay warbaahintu kasoo xigteen, in Allegri uu doonayo in si degdeg ah loo xalliyo xaaladda laacibkan, go’aankiisa kama dambaysta ahna la gaadho toddobaadka dambe, halka Paulo Dybalo uu isaguna qayb ka yahay arrimaha laga wada-hadlayo.

Laacibka reer Argentina ee Dybala ayaa xidhiidh aad u wanaagsan la leh tababare Allegri, waxaana la filayaa in uu sii joogo kooxda, halka Ronaldo aan la ogeyn waxa uu ku dambayn karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More