Chelsea Oo Xiddig Weyn Kaga Horreysa Man United Iyo PSG, Arsenal Oo

Chelsea ayaa Manchester United iyo Paris Saint-Germain kaga horreysa heshiiska lagu doonayo 28 sano jirka daafaca dhexe ee Real Madrid ee Raphael Varane. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Guinea daafaceeda Ali Camara oo ka ciyaara kooxda Young Boys ee ree Switzerland ayay isha ku hayaan kooxo badan oo Premier League ah oo ay kamid yihiin Liverpool, Arsenal, Crystal Palace, West Ham iyo Norwich. (Team Talk)

Bayern Munich ayaa bilawday wadahadalada ay tabababaraha kooxdeeda ugu magacaabayso Julian Nagelsmann oo hadda RB Leipzig macalin u ah. (Independent)

Arsenal ayaa madax-xanuun kala kulmaysa mustaqbalka 21 sano jirka kooxdeeda ee Joe Willock oo qaab amaah ah kula jooga Newcastle United iyaga oo u baahan inay kor u qaadaan lacagaha ay haystaan oo ay ciyaartoy iibiyaan. (Football London)

Arsenal ayaa iibinaysa daafaca Ainsley Maitland-Niles oo amaah ugu maqan West Bromwich Albion si lamid ah weeraryahan Eddie Nketiah iyaga oo min 20 Milyan oo pound ku doonaya. (Sun)

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa diyaar u ah inuu 31 sano jirka daafaca ah ee Cesar Azpilicueta kala wareego kooxda Chelsea. (El Gol Digital – in Spanish)

Manchester United iyo Liverpool ayaa dalab ka gudbin kara 27 sano jirka Torino ee Andrea Belloti oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha AC Milan, Roma iyo Inter Milan. (Tuttosport)

Wolves ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee lala xidhiidhinayo saxeexa 23 sano jirka weeraryahanka ah ee Chelsea ee Tammy Abraham oo hore loola xidhiidhinayay Aston Villa, Leicester City iyo West Ham United. (Football Insider)

Tababarihii hore ee Tottenham ee Harry Redknapp ayaa filanaya in 27 sano jirka weerarka ah ee kooxdaas ee Harry Kane uu sii joogi doono kooxda walow ay jiraan warar badan oo bixitaan la xidhiidhinaya. (Goal)

Manchester City ayaa wadahadalo la bilawday 18 sano jirka kooxda Red Star Belgrade ee Andrija Radulovic. (Sun)

Weeraryahanka ree Spain ee Alvaro Moratta ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo kooxda Juventus xilli uu qaab amaah ah ugaga maqan yahay Atletico Madrid. (Sky Italia via Goal)

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More