Chelsea Oo Maraysa Wadadii Ay Kula Soo Wareegtay Cole Palmer

Kooxda Chelsea ayaa lagu Soo waramayaa in ay marayso wadadii ay u martay saxiixa Cole Palmer.

Chelsea ayaa xagaagii hore si lama filaan ah Ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga palmer kaas oo noqday Xiddig laf dhabar u ah kooxda xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sida Laga Soo xigtay TyC Sports kooxda Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab weyn Oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Man City ee Julian Alvarez.

Alvarez ayaa lagu Soo waramayaa in uu isku diyaarinayo in uu isaga tago kooxda Man City suuqa Xagaaga.

Alvarez ayaa Doonaya in uu isaga tago kooxda Man City si uu Ugu Biiro Koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More