Chelsea Oo Karbaashtay Rennes, PSG Oo Guul-darro Loo

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guushii labaad ee tartanka Champions League ah diiwaangashatay, waxaanay hoggaanka u qabatay Group E, kaddib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda reer France ee Rennes oo ay ku qaabishay Stamford Bridge.

Chelsea oo ciyaarta ka hor uu ruxay warka sheegayay in Kai Havertz laga helay xanuunka Korona Fayras, isla markaana laga dhex saaray  ciyaartoyda oo loo diray karantiil ayaa waxay qaybtii horeba la timid laba gool oo rikoodheyaal ah oo uu gool u beddelay Timo Werner.

Daqiiqaddii 10aad ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe markii uu Dalbet xerada ganaaxa dhexdeeda ku riday Timo Werner, iyadoo uu garsooruhuna markiiba tilmaamay rikoodhe aanu hadal ku jirin oo uu weeraryahani gool u sarrifay.

Dalbert ayaa mar kale kubad uu soo tuuray Tammy Abraham waxa uu ku qabtay gacan, waxaanu garsooraha ciyaartu usoo daawaday VAR, halkaasna waxa kaadh cas loogu taagay difaacan iyadoo rikoodhahanna uu mar kale qaatay Timo Werner oo aan wax qalad ah samaynin, si xarrago lehna hoggaanka ugu sii dheereeyey kooxdiisa.

Qaybtii labaad ayay Chelsea la timid gool saddexaad oo uu u saxeexay Tammy Abraham oo kubbad ka helay Reece James.

Shaxdii labada kooxood

RENNES (4-1-4-1): Alfred Gomis; Hamari Traore, Damien Da Silva (captain), Dalbert; Steven Nzonzi; Yann Gboho, James Lea Siliki, Benjamin Bourigeaud, Martin Terrier; Serhou Guirassy.

Kaydka: Romain Salin, Gerzino Nyamsi, Clement Grenier, Jeremy Doku, Romain Del Castillo, Adrien Hunou, Adrien Truffert, Lorenz Assignon, Georginio Rutter, Warmed Omari, Chimuanya Ugochukwu, Pepe Bonet.

CHELSEA (4-3-3): Edouard Mendy; Reece James, Thiago Silva, Kurt Zouma, Ben Chilwell; N’Golo Kante, Jorginho (captain), Mason Mount; Hakim Ziyech, Tammy Abraham, Timo Werner.

Kaydka: Willy Caballero, Antonio Rudiger, Marcos Alonso, Andreas Christensen, Cesar Azpilicueta, Emerson, Fikayo Tomori, Mateo Kovacic, Callum Hudson-Odoi, Olivier Giroud, Carlo Ziger.

Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaabatay degganaan iyo inay awoodda sare leedahay, waxaana khadka dhexe jiibta iyo jaanta iskula helay N’Golo Kante, Jorginho iyo Mason Mount oo kubbadaha usii dirayay dhinaca Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Tammy Abraham.

Daqiiqaddii 9aad ee ciyaarta ayuu garsooruhu yeedhiyey siidhiga iyadoo uu dhulka ku dhacay Werner oo kubadda haysta, waxaana uu u dhigay rikoodhe uu laacibkan reer Germany gool u beddelay.

Rennes ayaa goolkan kaga falcelisay culays ay soo saartay Blues iyo dardar hor leh, waxaanay keentay in kaadhka digniinta ah loo taago Kante iyo Ziyech oo isaguna qalad ku galay laacibkii rikoodhaha kooxdiisa ku dhigay ee Delbert.

Daqiiqaddii 40aad ayaa uu garsooruhu ciyaarta joojiyey si uu usoo daawado kubbad gacanta kaga dhacday Dalbert, waxaana uu jeebka gacanta u geliyey si uu kaadh cas usoo saaro oo uu laacibkan garoonka kaga saaray.

Timo Werner ayaa mar kale rikoodhaha qaatay, waxaanu ku hubsaday shabaqa iyadoo uu ciyaartana ka dhigay 2-0.

Jorginho oo hore u qaadan jiray kubbadaha laagga rikoodheyaasha ayay si buuxda ugu caddaatay in rikoodhe laagashadii laga wareejiyey oo uu qaatay Timo Werner kaddib qaladaadkii uu sameeyey.

Qaybtii labaad ayay Chelsea mar kale ku bilowday dardarteedii, waxaana shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay shabaqa soo taabtay oo ciyaarta ka dhigay 3-0 laacibka reer England ee Tammy Abraham.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Chelsea.

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta PSG ayaa guul-darro loogu soo xambaariyey waddanka Germany, waxaana 2-1 kusoo garaacday RB Leipzig oo kula dhacday cadhadii ay ka qaadday xasuuqii ay Manchester United u geysatay usbuucii hore.

PSG oo ay dhaawac kaga maqnaayeen Kylian Mbappe iyo Neymar Jr ayaa la hor martay gool uu daqiiqaddii 6aad u dhaliyey Angel di Maria.

Xiddiga reer Argentina ayaa toban daqiiqadood oo kale kaddib loo dhigay rikoodhe balse waa uu ka khasaariyey inuu kooxdiisa hoggaanka usii dheereeyo.

Daqiiqaddii 42aad ayay RB Leipzig keentay goolka guusha, waxaana u dhaliyey Christopher Nkunku halka uu goolka guushana qaybta dambe u saxeexay Emil Forsberg.

Borussia Dortmund ayaa dhinaceeda guul weyn ka gaadhay kooxda reer Belgium ee Club Brugge, waxaanay ku garaacday 3-0.

Thorgan Hazard ayaa gool-dhalinta u furay Borussia Dortmund daqiiqaddii 14aad, waxaana laba gool oo kale oo ay u dhexeeyeen 13 daqiiqadood dhaliyey mucjisada goolasha ee Erling Braut Haaland, iyadoo ay guushuna ku raacday 3-0.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More