CAJIIB: Liverpool Oo Doonaysa In Manchester City & Villarreal Ku

Iyadoo ku jirta dabbaal-deg ka hooseeya heerkii laga filayay oo ah in ay usoo baxeen tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii ay maalintii ugu dambaysay soo galeen kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, Liverpool ayaa isha ku haysa  labada final ee Champions League iyo Europa League ee kooxaha ay xafiiltamaan ay koobabka ku qaadayaan.

Reds oo xilli ciyaareedkan difaacan kari weyday horyaalka Premier League ee ay sannadkii hore ku guuleysatay, waxa xanuun badan ku ah inay aragto Manchester United oo ah kooxda ay iskugu neceb yihiin oo ku guuleysanaysa Europa League, taas oo haddii dhacdo saamayn ku yeelan karaysa Liverpool. Sidoo kale, Chelsea oo Champions League ka qaadda Manchester City ayaa dhibaato badan u keeni karta Reds, waana sababta ay kooxda  tababare Jurgen Klopp u doonayso in labadan kooxood aanu midkoodna ku guuleysanin koobabkan.

Liverpool ayaa doonaysa in Champions League ay qaaddo Manchester City sababtoo ah, waxa ugu jirta dan u gaar ah, sidaas oo kalena waxay ku ducaysanaysaa in Europa League ay qaadato kooxda reer Spain ee Villarreal.

Kooxaha ku guuleysta labadan koob, waxay isbeddel ku samayn karaan isku-aadka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, gaar ahaan wareegga koowaad ee groups-ka.

Dhalada koowaad (Pot 1), waxa ku jiraya kooxaha kusoo guuleystay horyaallada dalalkooda ee  Atletico Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Inter Milan, Lille iyo Sporting Lisbon, waxaase kusoo biiri doona kooxaha kusoo guuleysta Champions League iyo Europa League.

Haddii Chelsea iyo Manchester United ay kusoo kala guuleystaan labadan koob, waxay ku biiri doonaan liiska Pot 1 ee kooxaha sare ku xusan, haddii kalena waxa iman doonta Zenit oo horyaalka Ruushka ku guuleysatay iyo Villarreal haddiii ay qaaddo Villarreal.

Haddii Man City oo horyaalka Premier League kusoo guuleysatay, ay hanato Champions League, sidoo kalena Villarreal qaaddo Europa League, waxay kooxaha ‘Dhalada 1aad’ ee isku-aadka Champions League ay noqon doonaan Atletico Madrid, Bayern Munich, Inter Milan, Lille, Sporting Lisbon, Zenit St Petersburg iyo Villarreal.

Marka ay sidani dhacdo, Liverpool oo dhalada 2 kaga jirta isku-aadka, waxay ku beegmi doontaa hal koox oo ka mid ah naadiyadan sare ku xusan oo aanay ku jirin kuwa Ingiriiska (Man City), waxaana kooxaha ugu adag ee ay isku dhici karayaan ay yihiin Bayern Munich, Atletico iyo Inter.

Laakiin haddii Chelsea iyo Man United ay kusoo guuleystaan Champions League iyo Europa League, waxa isbeddel ku imanayaa naadiyada ku jira POT 1, waxaana ka baxaya Zenit iyo Villarreal. Tani waxay kordhinaysaa kooxaha Ingiriiska ee ku jira hormadaas ee uu sharcigu diidayo in ay isku dhacaan.

Haddii ay sidaasi dhacdo, fursadaha ay Liverpool ugu beegmayso Bayern, Inter iyo Atletico ayaa sare usii kacaysa, sababtoo ah waxa kaliya oo ku jiraya POT 1 oo ay ku dhici karayaan Sporting Lisbon iyo Lille.

Si ay kooxahan waaweyn uga badbaadi karto, Liverpool ayaa doonaysa in ay Champions League iyo Europa League ku kala guuleystaan Manchester City iyo Villarreal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More