Brooklyn Nets vs Los Angeles Lakers: Finalladii

Horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA ayaa xilli ciyaareedkan aad uga xiiso badan sidii hore, waxaanay wax walbaa sii tilmaamayaan, sida ay noqon doonaan kulamada ugu dambeeya ee toddobada ah.

Taageereyaasha ayaa rajaynaya in ay arkaan finaladii ugu xiisaha badnaa oo lagu tilmaamayo ‘kuwii qarniga’, waana haddii ay iska hor yimaaddaan labada kooxood ee aadka isku dhisay ee Los Angeles Lakers oo horyaalka difaacanaysa iyo Brooklyn Nets oo soo urursatay xiddigo waaweyn oo u diyaarsan in ay dhulka la galaan Lakers.

Laba kooxood ayaa haysta ciyaartooyo cajiib ah, laakiin kuma ekaanayaan laacibiinta ay haystaan oo kaliya, waxaanay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan heshiisyo kale  oo ay kula soo wareegayaan ciyaartooyo kale oo waaweyn marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee NBA-du.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in dad badan ay mar horeba bilaabeen in ay isku diyaariyaan kulamada  ‘finalada qarniga’, iyagoo ku ducaysanaya in ciyaarta ugu dambaysa ee toddobada kulan ee xidhiidhka ah ay iskugu soo baxaan Nets iyo Lakers.

Sababta ‘Finalada qarniga’ loogu tilmaamay haddii ay iskugu yimaaddaan Lakers iyo Nets, waa ku-celiska kulamadii indho-sarcaadka ahaa ee sannadihii 1980-meeyadii ee labada kooxood ee Boston Celtics iyo Los Angeles Lakers, kuwaas oo dagaalkoodu ahaa midka ugu qadhaadhaa ee soo maray NBA-da.

Isbeddelka Nets’ ‘SHANTA WAAWEYN’

Brooklyn Nets ayaa is-dhis cajiib ah isku samaysay. Waxay lasoo saxeexatay xiddigaha Blake Griffin iyo LaMarcus Aldridge oo uu kula soo midoobay Anthony Davis.

Laakiin muuqaalka kooxda waxa  beddelay ‘SADDEXDA WAAWEYN’, waana saddexda saxeex ee cajiibka ahaa ee kooxda ka dhigay midda ugu cadcad horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA-da, waana Kyrie Irving, James Harden iyo Kevin Durant.

Laba ka mid ah saddexda sare iyo saddexda hoose ayaa ugu soo bilowda Nets, waxaanay argagax geliyaan kooxaha kasoo hor-jeeda, iyagoo ku dila toogashada fog iyo riinka oo ay qabsadaan.

FILASHADA: LeBron James vs Kevin Durant – Alla maxaa wacdaro la sugayaa sannadkan!

Lakers waxa hoggaaminaya LeBron James oo ah xiddiga ugu wanaagsan horyaalka NBA-da, halka Kevin Durant oo ahaa xiddigii koobabka u qaadi jiray Golden State Warriors uu isaguna hormood u yahay Brooklyn Nets.

Labadan ciyaartoy ayaa isku dhacoodu uu xiise weyn ka samayn doonaa finalada haddii ay iskugu yimaaddaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More