Barcelona Oo Dalab Ka Gudbisay Matthijs De Ligt, Xiisahiisa Oo Aan

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay ay ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Juventus ee Matthijs De Ligt oo ay xiisihii ay u qabtay dib usoo noolaysay.

Kooxda u tartamaysa horyaalka La Liga ayaa weyday saxeexa De Ligt markii uu Juventus ku biiray sanadkii 2019 xilligaas oo uu heshiis 67.8 Milyan pound ah ugu biiray kooxda ree Talyaani kaddib xilli ciyaareedkii 2018-19 oo uu qaab  cajiib ah kusoo bandhigay Ajax.

Blaugrana ayaa doonayay inay saxeexa De Ligt sameeyaan isla markii ay saaxiibkiisii Ajax ee Frankie De Jong heshiiska 65-ka Milyan ee pound ah kusoo xero-galiyeen.

21 sano jirka ree Netherlands ayaan qaabkii la filayay uga soo dhalaalin kooxda ka dhisan Turin xilli ay dhibanayaal usoo ahaayeen inay xilli hore ka hadhaan Champions League isla markaana xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A u waayeen Inter Milan.

Matthijs De Ligt ayaa horraantii xilli ciyaareedkan kasoo kabtay dhaawac garabka ah oo halis ahaa, waxa uu kulamadii ugu dambeeyay ee Bianconeri si joogto ah u haystay booskiisa isaga oo caawin iyo gool kasoo sameeyay ciyaartii ay 3-1 uga adkaadeen Parma.

Tababaraha Barca ee Ronald Koeman ayaa aqoon fiican u leh De Ligt oo uu xulka Netherlands kula soo shaqeeyay, wargeyska AS ayaa sheegaya inuu intii ay Juve iyo Barca ka wada hadlayeen wax ku saabsan European Tremendous League soo hadal qaaday 21 sano jirkaas.

Juventus ayaa kaddib bandhiga uu Koeman u sameeyay iska diiday inay daafaceeda u ogolaato inuu ku biiro Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More