Arsenal Oo Guul Raaxo Leh Gaartay, Mourinho & Gareth Bale Oo

Si aan fiicneyn ayay ku bilowdeen laakiin kooxda keydka Arsenal ayaa si raaxo leh 3-0 uga badisay kooxda reer Ireland ee Dundalk kulankii Europa League ee Emirates Stadium.

Kaliya Granit Xhaka ayaa ka badbaaday shaxdii Arsenal ee guuldarada ay ka soo gaartay Leicester City iyadoo Gunners ay ku dhibtootay inay shabaqa soo taabato ilaa iyo Eddi Nketiah uu shabaqa ku taabto kubad uu gacanta la waayay goolhaye Gary Rogers.

Labo daqiiqo ka dib hogaanka ayay Arsenal sii dheereysatay markii daafacyada Dundalk ay isku dhex yaaceen, kubada waxaa garabka bidix ee xerada ganaaxa ku helay Joseph Willock isagoo shabaqa meel kore ka geliyay.

Waqti yar markii ay socotay qeybtii labaad ayay Arsenal heshay goolka seddexaad oo ka yimid Nicolas Pepe, isagoo kubada daafac ka wareegsaday ka hor inta uusan shabaqa ku hubsanin.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay badisay labadii kulan ee ugu horeysay ee Europa League ka dib guushii 2-1 ee ay ka gaareen kooxda Rapid Vienna ee isbuucii la soo dhaafay.

Dhanka kale Tottenham ayaa guuldarro lama filaan ah ay ka soo gaartay kooxda reer Belgium ee Royal Antwerp inkastoo shaxda Spurs uu ku soo bilowday Gareth Bale.

Kooxda martida loo ahaa ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqadii 29aad iyadoo Lior Refaelov uu shabaqa dhex dhigay ka dib qalad uu sameeyay Ben Davies.

Laakiin Bale iyo asxaabtiisa waa ay awoodi waayeen inay weerarka wax ka qabtaan iyadoo Mourinho uu afar bedel sameeyay waqtigii nasashada ka hor inta uusan bixinin xiddiga reer Wales markii ay qeybta labaad socotay 13 daqiiqo.

Inkastoo shan bedel uu Mourinho sameeyay kulankaan, hadana Spurs waa ay ku guuldareysatay inay xitaa abuurto hal fursad oo gool loo fishay, natiijadaana ayaana ka dhigeysa in group-kooda Europa League uu haatan furan yahay.

Dhanka AC Milan ayaa 3-0 ku xaaqaday kooxda Sparta Praha oo marti ku aheyd San Siro iyadoo kulankaan ay shabaqa soo taabteen saxiixyada cusub Brahim Diaz iyo Diogo Dalot halka uu goolka seddexaad saxiixay Rafael Leao iyadoo Zlatan Ibrahimovic rigoore laga qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More