Arsenal Oo Go’aan Ka Gadhay Xiisaha Weeraryahan Dilaa Ah.

Arsenal ayaa si weyn loola xiriirinayay u dhaqaaqista weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres usbuucyadii dhawaa, laakiin warbixin cusub ayaa muujineysa in Gunners ay ka labalabeyneyso inay buuxiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka.

Gyokeres waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu fiicnaa horyaalka Portugal xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 29 gool iyo 10 caawin 33 kulan oo uu u saftay Libaaxyada.

Iyadoo loo eegayo qaab ciyaareedkiisa wacnaa, 26-sano jirkaan ayaa soo jiitay indhaha dhowr kooxood oo waaweyn oo Yurub ah, oo ay ku jirto kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Chelsea.

Gunners ayaa si aad ah u doonaysa weeraryahan si ay man city ugu garaacdo horyaalka premier league.

Sida laga Soo xigtay Evening Standard, Arsenal ayaa xiiso dhab ah u qabta xiddiga laakiin ma doonayaan in ay xiddiga ka bixiyaan wax ka badan 50 ilaa 60 milyan oo euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More