Afartii Ciyaartoy Ee Faransiiska Ahaa Ee Ceeboobay, Xiddigii Garoonka

Faransiiska ayaa barbarro 1-1 ah waxa uu la galay Hungry, waana natiijo lama filaan ahayd marka la eego awoodda labada waddan.

Faransiiska oo kaalinta koowaad kaga jira dalalka loo saadaalinayo inay koobka qaramada Yurub ee sannadkan ku guuleysanayaan ayaa bandhig fiican sameeyey waxayse iska lumiyeen fursado dahabi ah oo ay goolal ku dhalin karayeen.

Hungry ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 45+2 waxaana u dhaliyey Attila Fiola oo orod kaga dheereeyey Pavard, waxaanu kubadda si toos ah ugu toogtay goolka oo ay birta dhinaceeda ka gashay, xilli uu goolhaye Hugo Lloris waxba ka qaban kari waayey.

Faransiiska ayaa helay goolka barbarraha qaybtii labaad waxaana u dhaliyey Griezmann oo xerada ganaaxa ka helay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Mbappe laakiin difaacyada Hungry lugta u gashay, ayna iska saari kari waayeen, taas oo uu taabashadii ugu horreysay laad xooggan ku toogtay goolka oo ay gashay.

Afar ciyaartoy oo Faransiis ah oo ceeboobay

Labada difaac ee Raphael Varane iyo Pavard oo lagu daray Paul Pogba iyo Rabiot ayaa ahaa ciyaartoyda Faransiiska ee garoonka iska dhex-taagnaa, qiimaynta ceebta ahina usoo hoyatay.

Afartan ciyaartoy ayaa helay qiimayntii ugu hoosaysay kulanka oo ahayd darajada 5, waxaanay tani caddaynaysaa in Didier Deschamps uu ku saxsanaa beddelka labada kubbad sameeye.

Xiddigii garoonka

Laszlo Kleinheisler oo u ciyaarayay xulka qaranka Hungry ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa kulanka, mana jirin dood ka taagan iyadoo ay warbaahinta kala duwan iyo UEFA isku si’ u qiimeeyaan, isagana xiddignimada ciyaarta ugu cumaamadeen.

?? László Kleinheisler is rewarded following a fine display against the world champions ?

? Did you predict that? @Heineken | #EUROSOTM | #EURO2020 pic.twitter.com/YKhlyin79e

— UEFA EURO 2020 (@EURO2020) June 19, 2021

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada xul

Hungary: Gulacsi (7), Botka (6), Orban (7), Attila Szalai (7), Nego (7), Kleinheisler (8), Nagy (7), Schafer (6), Fiola (8), Sallai (7), Adam Szalai (6)

Beddelka: Nikolics (7), Cseri (NA), Lovrencsics (NA)

France: Lloris (6), Pavard (5), Varane (5), Kimpembe (6), Digne (6), Kante (6), Pogba (5), Rabiot (5), Griezmann (6), Benzema (6), Mbappe (7)

Beddelka: Dembele (5), Tolisso (NA), Giroud (NA), Lemar (NA)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More