50kii Goolhaye Ee Taariikhda Kubadda Cagta Ugu Wanaagsanaa

Goolhayaha Juventus iyo xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Buffon ayaa loo doortay goolhayihii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta abid, sida ay taageereyaasha kubadda cagtu cod ku go’aamiyeen.

Halyeygan Talyaaniga ee 42 jirka ah ayaa meel iska dhigay goolhayeyaashii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ee Peter Schmeichel iyo Iker Casillas oo waqtiyada qaarkood ay garoomada iyo guulahaba ku xafiiltami jireen.

Buffon ayaa xulka qaranka Talyaaniga kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2006kii, waxaana heerka kooxeed uu ahaa mid guulo badan soo gaadhay oo kaliya seegay tartanka Champions League oo aan ugu jirin diiwaanka koobabka uu hantay. Kooxda Juventus ayuu la qaaday 10 horyaal oo Serie A ah.

Taageereyaashu waxay goolhayaha labaad ee ugu fiicnaa abid u doorteen halyeygii xulka qaranka USSR ee hadda ah Ruushka, kaas oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or xilligii uu garoomada ku jiray.

Kaalinta saddexaad ayuu soo cidhiidhsaday halyeyga Jarmalka ee Oliver Kahn, halka saddexaad uu soo galay Schmeichel oo Manchester United ahaa iyo Petr Cech oo afraad soo cidhiidhsaday.

Goolhayihii hore ee Real Madrid ee Iker Casillas ayaa soo galay kaalinta siddeedaad, sida ay taageereyaashu ku muujiyeen codayntoodan.

Akhriso 50ka goolhaye ee abid ugu wanaagsanaa kubadda cagta:

13. Marc-Andre ter Stegen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More