4 Tababare Oo Southgate Ka Badali Kara Xulka Qaranka England.

England ayaa weli rajo ka qabta inay Gareth Southgate ku qancin karto inuu sii ahaado macalinka ka dib Euro 2024 laakiin waxay durba bilaabeen inay raadiyaan badalkiisa macquulka ah.

Xulka England ayaa bilaaban doona tartanka Euro 2024 Axada iyaga oo la ciyaari doona xulka Serbia.

Tababare Gareth Southgate ayaa xulka England hogaaminaya 8 sano isaga oo xulka gaadhsiiyay Final-ka Euro tartakii hore.

Gareth Southgate ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxda Man United waxana laga yaabaa in uu raadsado shaqo dhinaca kooxaha ah.

Sida laga soo xigtay Telegraph, Xidhiidhka FA-ga England ayaa bilaabay in ay qiimeeyaan badalka macquulka ah ee tababare Gareth Southgate.

Tababarayaashii hore ee kooxda Chelsea Tuchel Iyo Pochettino ayaa ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo xulka England.

Sidoo kale tababarihii hore ee kooxda Chelsea Iyo Brighton Graham Potter Iyo waliba tababaraha Newcastle United ayaa ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo xulka England.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More