Shirka Arrimaha gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowlad

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee Federaalka ayaa kusaabsanaa u Qareemidda & ka tashiga Arrimaha Gargaarka, la tacaalidda Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug iyo horumarinta howlgalka Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug.

Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Federaalka oo furay Shirka ayaa ku dhiirrigeliyey hay’adaha gargaarka, Ururada caalamiga ah iyo kuwa Waddaniga ah in ay si dhow ula shaqeeyaan una caawiyaan Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug oo uu sheegay in ay taagan tahay heerkii ugu Wanaagsanaa uguna habboonaa ee laga taageeri lahaa horumarinta & xoojinta howlgalka Wasaaradda.

Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi Wasiirka Wasaarada gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa far waaweyn ku muujiyey guulaha ay Wasaaraddu gaartay laga soo billaabo Asaaskeedii 2017 iyo caqabadaha ka hor yimid oo ay ugu horreeyaan baahiyaha Asaasiga ah sida kobcinta Xirfadaha, Tababarka, Qalabeynta & taageerada howlgalka Wasaaradda.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid & Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo kulanka kaqaybgalay ayaa u soo jeediyey Dhammaan hay’adaha gargaarka (Waddaniga & Caalamiga) in ay Kaalintooda la qaataan Taageerada iyo garab istaagga howlgalka Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug.

Cabdirashiid Xersi Cumar oo ka socday NGO Consortium oo fududeeyey Shirka ayaa tilmaamay muhiimadda shirka Arrimaha gargaarka & Maareynta Musiibooyinka u leeyahay si gaar ah Wasaaradda gargaarka ee Dowlad goboleedka Galmudug iyo guud ahaan horumarka Galmudug

Dood furan oo kusaabsan sida ay hay’adaha gargaarka (Waddaniga & Caalamiga) u taageeri karaan horumarinta Arrimaha gargaarka ee Galmudug oo shirka lagu soo bandhigay ayaa si guud looga dooday waxa ay hay’aduhu kala qaban karaan Wasaaradda gargaarka dhinaca horumarinta arrimaha bani’aadminimo ee Galmudug.

Hogaamiyayaasha & Wakiillada hay’adaha gargaarka ee kaqaybgalay doodda ayaa si kooban u sheegay Waxqabadkooda Galmudug & caqabadaha ay kala kulmeen la shaqeynta magaalooyinka iyo deegaanada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Waxa ay isku waafaqeen in kashaqeynta Nabaddu tahay Salka iyo Asaaska howlgalka hay’adaha gargaarka sidaas oo kalana ay Waajib tahay in Galmudug guud ahaan la timaaddo Isla-xisaabtan iyo daah-furnaan si ay u suuragasho la shaqeynta hay’adaheeda dowladda.

Wasiirka gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi & Agaasimaha gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee heer federal Muqtaar Sheekh

Wasiirka Wasaarada gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi & Agaasimaha Wasaarada gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee heer federal Muqtaar Sheekh oo shirka soo xiray ayaa hoosta kawada xariiqay muhiimadda ay leedahay la shaqeynta Wasaarada gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug, waxa ay sheegeen in ay diyaar la yihiin dhammaan kaalmada iyo fududeynta looga baahan yahay Wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More