Maxay tahay digniinta uu maanta gobolka Benaadir u direy sha…
Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dadweynaha gobolka Benaadir u direy digniin culus, kadib kormeer uu saaka ku tagay xeebta Curubo ee degmada Shangaani.
- Advertisement -
Cumar Filish ayaa sheegay in xeebta Curubo ee Shangaani ay noqontay goob dadka ay ku shubaan qashinka, midaasi oo keeni karta caafimaad darro, kana hor-imaneyso nadaafada deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ka digay in dadweynaha ay qashinka ku shubaan goobo aan munaasibad ku aheyn, taasi oo uu sheegay in uusan maamulka gobolka Benaadir u dulqaadan doonin.
Guddoomiyaha gobolka ayaa shacabka uga digay inay qashin ku shubaan goobaha qaar ee magaalada, midaasi oo keeni karta caafimaad darro iyo inay hoos u dhacdo bilicdii axadle.
Digniinta Filish ayaa imaneysa xili ay goobaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay dadka ku shubaan qashin fara-badan, ayada oo magaalada ka jiraan shirkado ka shaqeeya nadaafada, kuwaasi oo si gaar ah lacago uga qaada dadweynaha.