Imaaraadka iyo Maraykanka oo ka shaqaynaya heshiis dhexmara Suudaan & Israel!

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo oo la taagan yahay Jeneral Abdel-Fattah Burhan, oo ah madaxa golaha talada haya, Khartuum, Sudan, Talaadada, Agoosto 25, 2020.

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxa golaha talada haya ee Suudaan ayaa u safray dalka Isutaga Imaaraatka carabta si ay wadahadalo gooni gooni ah ula yeeshaan saraakiisha Imaaraatka iyo Mareykanka, u jeedka socdaalkooda ayaa salka ku haaya sidii Washition Liiska Argagisada uga saari lehayd Khartuum, sida ay warisay warbaahinta dowlada .

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Sudan ee SUNA ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah General Abdel-Fattah al-Burhan, oo ah madaxa golaha madaxbanaan ee mas’uulka ka ahaa afgembigii madaxweyne Cumar Al-Bashiir ee sanadkii hore, uu wadahadallo la yeelan doonaa hoggaanka Imaaraadka oo uu kala hadlayo “dhammaan arrimaha gobolka la xiriira Suudaan “.

Wasiirka Caddaaladda Suudaan Naser-Eddin Abdelbari ayaa la kulmi doona saraakiisha Mareykanka ee jooga Abu Dhabi si ay ugala hadlaan “ka saarista [magaca] Suudaan liiska dawladaha taageera argagixisada, taageerida xilliga kala guurka iyo qoritaanka deynta Mareykanka ee Suudaan. “.

Si kastaba ha noqotee, shabakadda Axios ayaa soo warisay in saraakiisha Mareykanka, Imaaraatiga iyo Suudaan ay shir “go’aan” leh ku qaban doonaan Abu Dhabi Isniinta “oo ku saabsan heshiis caadi ah oo Suudaan iyo Israel dhexmara”, oo la mid ah heshiisyadii uu Mareykanku dhexdhexaadiyay ee ay wada galeen Imaaraadka iyo Baxreyn. toddobaadyadii la soo dhaafay.

Axios oo soo xiganaya ilo-wareedyo aan la aqoon ayaa sheegay in dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan – ka sokow ka saarista argagixisada – ay dalbanayso “in ka badan $ 3bn oo gargaar bani’aadamnimo iyo kaalmada miisaaniyadda tooska ah” si loogu helo heshiis lala galo Israel.

Waxa ay sidoo kale dooneysaa “ballanqaad” Mareykanka iyo Imaaraatka “in ay Suudaan siiso kaalmo dhaqaale saddexda sano ee soo socota”, Axios ayaa werisay Axaddii.

Bishii Ogosto, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu soo qaaday arrinta ku saabsan in Suudaan ay xiriir la sameyso Israa’iil booqasho uu ku tagay Khartuum. Isaga oo ka jawaabaya, ra’iisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok wuxuu sheegay in dowladiisu aysan haysan wax amar ah oo ay ku sameyso arintaas, talaabadaas oo kalena la go’aamin karo kadib marka uu dhamaado xilliga kumeelgaarka ah iyo qabashada doorashooyinka, oo la qorsheeyay sanadka 2022.

Xilligaas, Pompeo wuxuu ku jiray socdaal gobol oo qayb ka ah dadaal uu ku qancinayo dalal badan oo Carbeed in ay xiriir la yeeshaan Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rajaynayo in dalalka kale ee Carbeed ay ku daydaan wadadii Imaaraatka iyo Baxrayn, oo ah dowladihii ugu horreeyay ee Carbeed ee rubuc qarni “xiriir caadi ah” la sameeya Israa’iil.

Falastiiniyiinta ayaa aad uga carooday talaabooyinka, iyaga oo u arkayay khiyaano taas oo sii wiiqi doonta mowqifkii mudada dheer taagnaa ee carabta ee ku baaqayay in Israel ay ka baxdo dhulka ay heysato iyo in ay aqbasho dowladnimada Falastiin si ay ula soo noqoto xiriirkeedii caadiga ahaa ee dalalka Carabta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More