Hogaamiyayaasha DFS iyo DG oo isla gartay waqtiga la bilaabayo soo

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada 5 ah ayaa is-faham ka gaarey dhismaha gudiyadda isku-dhafka ee maamuli doono doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo Jadwalka iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada labad aqalka ee Baarlamanka 11-aad.

Hogaamiyayaasha Faderaalka iyo kuwa Goboladda ayaa isla meel dhigeen in hanaanka doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ay billaabato October 15, islamarkaana ay socon doonto illaa 15-ka November 2020.

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay 15-ka November ee isla sanadkan waxaa la guda gali doonaan hanaanka soo xuliska Xildhibaanaddda Gollaha Shacabka.

Waxay hogaamiyaasha ku shiray Villa Soomaaliya ku heshiiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo aan horey uga mid ahayd heshiiska, kaasoo Dawlad Goboleedyada ay xubno ku yeelan doonaan.

Baarlamanka ayaa soo jeediyay in guddiga Xalinta Khilaafaadka ka dhiso, taasoo Hogaamiyayaasha hadda isla go’aamiyeen qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddiga doorashooyinka heer qaran iyo heer dowlad goboleed qeyb ka yahay qodobada heshiiska laga gaarey.

Is-afagaradkan ayaa meesha ka saareya mad-madowgii ku jiray heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan Baarlamanka uu meel-mariyay kadib markii DF iyo Maamullada madaxdooda ku saxiixdeen Villa Soomaaliya 17-kii bishan.

Sidoo kale Hogaamiyayaasha ayaa ka doodayay asteynta kuraasta Xildhibaannada deegaanada doorashadooda ka dhaceyso, iyadoo la isla gaaray in maamul goboleed kasta labo deegaan doorasho ay ka dhacdo.

Hogaamiyayaasha Dowlad goboleedyada ayaa dib ugu laaban doona degaannadooda si ay latashiyo ula soo sameeyeen Mas’uuliyiinta maamulada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u soo magacaabaan Xubnaha dhinacooda ka socda ee Guddiga doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More