Gudoomiyaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

Hogaamiyaha Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa Garowe u yimid ka qeyb galka Madasha Dooda Machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qaban doono dalka isla markaana ka furmi doona magaalada Garowe todobaadkan.

Saciid Deni, ayaa sidoo kale ku soo dhoweeyay magaalada Garoowe Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxaa la qaban doonaa dhamaadka usbuucan wufuud balaaran oo ka tagi doonta Soomaaliya halkaas oo hogaamiyayaasha dowladaha, hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka, wasiiro, xildhibaano iyo aqoonyahano ku lug leh fagaarayaasha dooda iyo Machadka Heritage ee looga hadlayo fursadaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More