Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Mareykanka

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay saraakiisha ciidamada Mareykanka.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda, kulanka ayaa looga hadlay arrimo aad u adag oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya mas’uuliyiinta militariga Mareykanka, iyo sidoo kale howlaha daba-galka ah ee ka socda Soomaaliya iyo tababarada la siinayo ciidamada Mareykanka.

“Kulankii dhexmaray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo saraakiisha ciidamada Mareykanka waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka militari ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidii loo dardar gelin lahaa tababarada Mareykanka iyo taakuleynta ciidamada XDS” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Mareykanka uu kordhiyo taageerada iyo tababarada la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa hada tababaraya ciidamada Danab si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, laakiin bilihii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa ka horyimid in xoog loo adeegsado dano siyaasadeed.

Wargeyska The Washington Post ayaa qoray horraantii bishii Maarso in saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka ay diideen qorshe la doonayay in ciidamada Danab loo geeyo magaalada Muqdisho iyadoo qeyb ka ah isu soo baxyada mucaaradka ay qorsheynayeen 19-ka Febraayo markii la toogtay.

Si ka duwan Turkiga oo dowladda Soomaaliya u oggolaata inay gorgor iyo haramcad u isticmaasho hadba sida ay doonto, Mareykanku ma oggola in ciidamo tababaran loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More