Daawo: Maxaa Caawa Rooble iyo Sheekh Shariif ka wada hadleen? – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Raysulwasaaraha DFKMG Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Caasimadda Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxayna kawada hadleen sidii wax looga qaban lahaa amaanka Caasimadda Muqdisho iyo arimaha doorashooyinka.

Intii kulanku socday, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu la wadaagay Sheekh Shariif qorshaha dowladiisa ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho xasiloon oo loo wada dhan yahay.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa afhayenka dowlada mudane maxamed ibraahim mualimuu wuxuu sheegay in kulanka diirada lagu saaray xaalada dalka uu marayo gaar ahaan rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho.

“Labada masuul waxay ka wada hadleen xaalada dalka uu hada ku sugan yahay, amaanka Axadle, xasiloonidiisa iyo sida loo wado, iyadoo la ogyahay rabshadihii ugu dambeeyay, Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka go’an inuu wax walba ku dhameeyo si nabad ah, diyaarna u yahay” Wuxuu sii wadi doonaa kulamada iyo la macaamil siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa kulanka waxaa ku wehliyay Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow waxaana afhayeenka dowlada Mualimuu uu sheegay in kulanka uu ku dhamaaday si wada jir ah isla markaana ay saraakiishu isku afgarteen qodobadii laga wada hadlay

Hoos eeg

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More