Ciidan katirsan Howlgalka AMISOM oo lagu weeraray Shabeelaha

Askar katirsan Ciidanka Uganda ee ku jira Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu weeraray wadada isku xirta Shalaanbood & Marka, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Weerarka ayaa ku bilawday miino lagu qarxiyay mid kamid ah Gawaarida Ciidanka Uganda, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo Al-Shabaab. Dhinacyada dagaalamay waxaa gaaray khasaare dhimasho & Dhaawac, Al-Shabaaab ayaa dhankeeda…

Madaxweynayaasha Cuba & Kenya oo kawada hadlay Dhaqaatiir

Madaxeynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa Jimcihii xiriir la sameeyay Dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta oo ay kawada hadleen xaaladda iyo xorriyadda labo dhaqtar oo Al-Shabaab u afduuban sanad iyo bar. War kasoo baxay madaxtooyada Havana ayaa lagus heegay in wadahadalkaan uu ka dhashay kadib markii Dowladda Cuba ay kordhisay xiriirka salka ku haya walwalka dhaqaatiirtaan gacanta Al-Shabaab ku maqan tan iyo April 2019-kii. “Waxa aan wadahadal taleefoon oo miro dhal ah la yeeshay…

DFS oo sheegtay in aan la baareyn maydka AUN Cali Khaliif

DFS ayaa sheegtay in aan baaris lagu sameyneen Maydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo Magaalada Jigjiga ku dhintay 8-dii Oktoobar 2020 kuna beegneed Khamiistii maalin kahor. Ehelka Marxuumka ayaa dalbaday in la baaro, maadaama shaki ay ka qabaan sababta Geeridiisa, balse sii hayaha Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo la hadlay BBC-da, isla markaana la weydiiyay in la baarayo maydka Marxuum Cali Khaliif ayaa sheegay…

Covid-19 oo dib ugu soo laba-kacleeyay Canada! – Axadle

Dowladda Canada ayaa sheegtay in kiisas cusub oo Covid-19 ah laga helay qaybo kamid ah dalkeeda oo maalmihii lasoo dhaafay hoos u dhac ku socday xaaladaha dadka laga helayo xannuunka. Canada ayaa ku jirta booska 26-aad ee kala sareynta kiisaska waddamada caalamka laga helay xannuunka Coronavirus, waxaana ka diiwaangashan 178,117 oo ah tirada dadka uu ku dhacay cudurka, 9,585 oo dhimasho ah & 149,524 oo ka caafimaaday. Wasaaradda Caafimaadka Canada ayaa sheegtay in kiisaska…

Covid-19 ma lagu dari karaa xannuunada Maskaxda? – Axadle

Xannuunka dhanka Maskaxda ku dhaca ayaa kusii kordhay xerada qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan dad u badan Soomaali oo wajahaya dhibaato dhanka Caafimaadka, cunto  iyo Waxbarashada la’aan! Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa Tobaneeyo sanno degen Xeraan, xaaladda ugu daran waa cabsida faafitaanka Covid-19, yareynta Gargaarka Bani aadamnimo iyo xannuunada dhanka Maskaxda ku dhaca oo kiisas la xiriira marar kala duwan la diiwaangeliyay. Walwalka dhanka nolosha ayaa sabab u ah in…

Covid-19 oo lagu daray xannuunada Maskaxda waa dhibka ugu

Xannuunka dhanka Maskaxda ku dhaca ayaa kusii kordhay xerada qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan dad u badan Soomaali oo wajahaya dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka, cunno la’aan iyo dhanka Waxbarashada. Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa Tobaneeyo sanno degen Xeraan, xaaladda ugu daran waa cabsida faafitaanka Covid-19, yareynta Gargaarka Bani aadamnimo iyo xannuunada dhanka Maskaxda ku dhaca oo kiisas la xiriira marar kala duwan la diiwaangeliyay. Walwalka dhanka nolosha ayaa…

Puntland oo soo gaba-gabeysay kiiska qaraxii lagu dilay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee DG Puntland Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay kiis dacweedka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gu’jir. Qaraxa lagu dilay Guddoomiye Cabdisalaan ayaa dhacay 29-kii Maarso 2020, waxaana loo xiray dad siyaabo kala duwan ugu eedeysan ku lug lahaanta falkaas sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada DG Puntland. Waxa uu sheegay in qoraal…

Kooxaha Kubadda Cagta Yurub oo taageeray Howlgalka EU ee

Howlgalka Midowga Yurub ayaa taageero ka dalbaday kooxaha kubadda Cagta ee Qaaraddaas si ay gacan ugu noqoto howlaha tababarka ciidan ay ka wadaan Soomaaliya & taageerada Dowladda Federaalka. Midowga Yurub ayaa gacan-qabasho u dalbay howlgalkooda tababarka Militariga ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo (EUTM-S) oo mas’uuliyadda ugu badan shaqada ururkaan ka fuliya Sooomaaliya. Mas’uuliyiinta Kooxaha waxaa loo bandhigay sidii iyaga oo kaashanaya taageerayaashooda ay gacan uga…

Booliiska Baladweyne oo qabtay Qamri loo waday Muqdisho! –

Taliska Booliiska Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qabteen Qamri lagu raray mid kamid ah Gawaarida ka dhex shaqeeya Gobollada Hiiraan & Banaadir, isla markaana loo waday Magaalada Muqdisho. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in Qamrigaan laga keenay dhanka Itoobiya, laguna soo qariyay Xaaqinnada laga sameeyo Baarka si aan loo dareemin ama looga shakin sida ay hadalka u dhigeen. Kontoroolka lagu qabtay Qamrigaan iyo qofkii waday waa Horseed,…

Diyaargarowga Aaska AUN Galayr oo Muqdisho ka socda. –

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabada aas loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo shalay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida. Xubno guddi ah oo Dowladda Federaalka u xilsaartay aaska loo sameynayo AUN Cali Khaliif Galayr ayaa wada qorshaha soo qaadista maydka Marxuumka oo yaalla Jigjiga si loo keeno Muqdisho looguna aaso. Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay in AUN Cali Khaliif la geenayo…