Ciidanka DFS & Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabeelah
Ciidamada Militariga DFS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Balcad iyo Basra Gobolka Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Militariga DFS Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen deegaanno la sheegay in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay duulooyin hoostaga Deegaanka Basra sida Axadle ay u xaqiiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana ka dhashay khasaare badi gaaray dhinacyada dagaalamay.…