Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 26°C
Breaking: Guusha siyaasadeed ee Soomaalida qurbaha waxay cashar u tahay Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxdii ka qaybgashay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Madaxweyne-Farmaajo-oo-la-kulmay-Madaxdii-ka-qaybgashay

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Jubba Caasimadda Koofurta Suudaan kula kulmay madax kala duwan oo goobjoog ka ahayd heshiiska nabadda Suudaan.

Hogaamiyayaasha uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wafdi ka socday Dowladda Qadar, Hogaamiyaha Jaad, Koofurta Suudaan oo martigelisay gogosha iyo Suudaan.

- Advertisement -

Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xoojinta heshiiska dhexmaray dhinacyadaan suudaan oo ay martiqaati ka ahaayeen, waxaana uu bogaadiyay in la dhaqangeliyo 8-da qodob ay kala saxiixdeen dhinacyada Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu kamid ahaa hogaamiyayaasha khudbadaha dhiiragelinta u jeedisay dhinacyada heshiiska nabadda ku gaaray Koofurta Suudaan oo waayihii dambe laga shaqeynayay isu keeniddooda.

Inta badan khudbaddiisa waxa uu ku dul istaagay sida nabadda ay ugu baahan yihiin dhinacyadaan heshiiyay, isaga oo xusuusay dhibaatooyinkii sokeeyay oo saameyn taban ku yeelay dhinacyadaan.

“Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhaco, Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka, waana in ay ilaaliyaan si loo helo nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinacyada Suudaan ayaa muddo dharaandhirinayay tubta ay ku gaari karaan heshiis waara oo wax ka badala dhibaatooyinka sokeeye oo sababtay in colaaddu kala goyso xiriirka dadka kunool deegaannada qaar, halka ay ka faaiideysan waayeen khayraatka dabiiciga ah.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes