Sidee ayay u socotaa howsha lagu dhaqangelinayo Jadwalka
Dhaq-dhaqaaq iyo diyaargarow sidaas u weyn kama socda magaalooyinka maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo xarun u ah DFS, si loo magacaabo xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada 20/21.
1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Farsamo oo labada dhinac ah si uu u dhaqangelinayo Jadwalka doorashada 20/21 lagu hagayo.
Magacaabista Guddiga ayaa ku taariikheysan inta u dhaxeyso 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida bilawga…