Wasiir Dubbe: Shirkii hoggaanka Soomaalida waa fashilmay
Wasiirka warfaafinta ayaa ku eedeeyay Puntland iyo Jubaland inaysan diyaar u aheyn doorasho dalka ka dhacda.
Cismaan Dubbe wuxuu sheegay inay nasiib daro tahay in labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland aysan ogolaan doorashada! Sikastaba, bayaan ay si wada jir ah u soo saareen DG Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda federaalka ay ku dhawaaqdo in shirkaasi uu yahay mid fashilmay. ku dhawaaqida fashilka shirka waxaa masuuliyadeeda iska leh dowlada waqtigeedu dhamaaday.…