Khabiir u dhashay dalka Finland ayaa ku dhintey Soomaaliya
Khabiir ku takhasusay dhibaatooyinka rayidka ah oo reer Finland ayaa u dhintay cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’ oo ku dhacay isaaga oo ku sugaan Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha xarunta maaraynta dhibaatooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland oo aaska ka qeyb galay.
Khabiirkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ka soo shaqeeyay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waana markii ugu horeysay oo khabiir ku takhasusay qasaaraha shacabka uu ku dinto howlgalka sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada dalkaasi.
Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka waxay kula wadaagaysaa tacsi tiiraanyo leh ehelada khabiir ku dhintay hawlihii maaraynta dhibaatooyinka. Arintaan waa mid murugo uu leh shaqaalaha iyo kaqeybgalka Finland ee wax ka qabashada dhibaatada shacabka. ” ayuu yidhi Kirsi Henriksson, oo ah madaxa xarunta maaraynta dhibaatooyinka ee Finland.
Sida laga soo xigtay Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka ee Finland, khabiirku wuxuu dhintay 21-kii Maarso wuxuuna ku dhacay fayraska coronavirus.
Khabiirka oo u dhashay Finland wuxuu ka soo shaqeeyay howlgalka EUCAP Somalia.
Khabiir ku takhasustay maaraynta dhibaatooyinka rayidka ee reer Finland ee dhintay – Maria Ohisalo: “Dhabarjab ba’an ayaa nagu noqonayaa”
Hawlaha howlgalka waxaa ka mid ah taageerida ciidanka boliiska badda, taageerida horumarinta ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo guud ahaan horumarka booliska. Finland waxaa ka jooga sideed khubaro ah oo qeyb ka ah howshan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Sannad kasta, Finland waxay ugu deeqaan EU, UN, OSCE, NATO ama Golaha Yurub, ilaa 120 qof oo loo tababaray maaraynta dhibaatooyinka.
Khabiirkan meydkiisa ayaa loo duuliyay Finland dhamaadka usbuuca. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waa markii ugu horreysay oo khabiir rayid ah oo reer Finland ah uu dhinto isagoo ka shaqeynaya howsha loo igmaday.