Booliiska Baladweyne oo qabtay Qamri loo waday Muqdisho! –
Taliska Booliiska Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qabteen Qamri lagu raray mid kamid ah Gawaarida ka dhex shaqeeya Gobollada Hiiraan & Banaadir, isla markaana loo waday Magaalada Muqdisho.
Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in Qamrigaan laga keenay dhanka Itoobiya, laguna soo qariyay Xaaqinnada laga sameeyo Baarka si aan loo dareemin ama looga shakin sida ay hadalka u dhigeen.
Kontoroolka lagu qabtay Qamrigaan iyo qofkii waday waa Horseed,…