10-sano oo maanta laga joogo markii AMISOM Muqdisho gacanta

7-dii Oktoobar 2010-kii maanta oo kale, Magaalada Muqdisho waxaa ka bilawday howlgalo wadajir ay u sameeyeen Ciidamada Dowladdii KMG ahayd iyo Askarta Midowga Afrika gaar ahaan Uganda iyo Burundi.

Caasimadda waxaa saarnaa culeys militari, Askarta Dowladda & Kuwa AMISOM ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn Xarumaha muhiimka sida Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

AMISOM waxaa Soomaaliya xiligaas ka joogtay askar dhan 7,200 oo ciidan Militari ah oo ka kala socday Waddamada Uganda & Burundi, Ururka Midowga Afrika waxaa wakiil Soomaaliya uga ahaa Wafula Wamunyinyi.

Askarta Ururka Midowga Afrika ayaa si tartiib-tartiib ah Caasimadda ugu howlgalayay, ilaa ay durjigaan difaacyadooda oo ay kusii faafeen degmooyin horleh oo gacantooda ka maqnaa balse ugu dambeyn soo galay.

Wafula Wamunyinyi Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xiligaas sheegay in Madaxweynihii Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed ay isla dajiyeen qorshaha dagaalka ee caasimadda lagu qabtay.

Wargeyska New Vision ee Dalka Uganda ayaa Warbixin uu ka qoray 10-sano guurada kasoo wareegtay markii Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho qabsadeen, waxa uu si gaar ah u buun-buuniyay Askarta dalkaas ee qaybta ka ahayd howlgalka muddada kooban qaatay.

Ciidanka AMISOM ayaa haatan tiro ahaan waxa ay gaarayaan 20,000 (Labaatan kun), waxaana dhawaan Soomaaliya laga saaray 2000 oo Askari. Howlgalka Ururkaan ayaa la aas-aasay 19-kii Janaayo 2007-dii, Uganda ayaa ciidankii ugu horeysay ku deeqday Soomaaliya, iyaga oo dalka soo gaaray 7-dii Maarso isla sanadkaas.

Dowladda Uganda ayaa lexdii bilood ama sanadkiiba mar ka saarta Soomaaliya askarteeda, waana dalka ugu badan ee ka macaaasha arrimaha Ciidanka, maadaama ay ku lug leedahay Booliiska iyo Miliatariga AMISOM iyo askarta gaarka u ah Xafiiska Qaramada ee UNSOM.

Haddaba, 10-Sano kaidb, maxaa iska badalay Magaalada Muqdisho?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More