Maxay Puntland iyo Jubaland ka yiraahdeen shirkii Afisyooni
Wasiirka warfaafinta Puntland C / laahi Cali Xirsi Timacadde oo la hadlay warbaahinta isaga iyo wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in labada maamul aysan ka warqabin fashilka ku yimid shirkii Muqdisho, laakiin ay kaliya warbaahinta ka arkeen wasiir Dubbe
“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan jirin shir fashilmay oo ay ogyihiin dowladaha Jubaland iyo Puntland. Hogaamiyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa mudo bil ah ku sugnaa caasimada iyagoo kusii jeeda dalka Soomaaliya…