Maxkamad qaadeysa dacwad ka dhan Rag loo heysto weerarkii
Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya waxaa maanta la horgeynayaa Saddex ruux oo loo heysto ku lug lahaanta weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Suuqa Westgate Mall sanadkii 2013-kii.
Saddexdaan ruux Waxa ay ku eedeysan yihiin caawinta kooxdii weerarka ku gashay Suuqa 21-kii September oo ka dhex dagaalameysay ilaa 24-kii bishaas gudaha Dhismaha Westgate mall.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaas waa dhimashada ugu yaraan 67-ruux oo ah dadkii suuqa u dukaameysi tagay…