Arsenal Oo Xiddig Weyn Xaraashaysa Si Ay Mid Chelsea Ah U Hesho, City
Chelsea ayaa la filayaa inay dalab 130 Milyan oo pound ah ka gudbiso Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan kaddib markii uu mulkiile Roman Abramovich go’aamiyay inuu lacag rekoodh ah ugu dhaqaaqo. (Football Insider)
- Advertisement -
Inter Milan ayaa ugu yaraan 102.5 Milyan pound ka dalban doona Chelsea haddii ay ka doonaysa Romelu Lukaku oo ay saxeexa Haaland awoodi waayaan.(Metro)
Manchester City ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Jack Grealish isla markaana rajaynaysa inay 90 Milyan oo pound u bandhigto Aston Villa. (Football Insider)
Manchester City wararka sheegaya inay heshiis 160 Milyan oo pound ah Tottenham kala gaadhay saxeexa Harry Kane ayaa gabi ahaanba been abuur ah. (Manchester Evening News)
Tottenham ayaa ku adkaysanaysa inaysan 27 sano jirkaasi iibinayn gudaha suuqa xagaagan. (Football London)
Dhinaciisa Kane ayaa aad u rajaynaya in Tottenham ay u ogolaan doonto bixitaan. (Times)
Manchester City ayaa mushahar ahaan toddobaadkii £350,000 kula heshiisay Harry Kane isla markaana dalab 120 Milyan oo pound ah u gudbin doonta Tottenham. (Star)
Manchester United ayaa rajaynaysa in Paris Saint-Germain ay dalab kasoo gudbin doonto Paul Pogba xagaagan(Telegraph)
Kylian Mbappe ayaa u sheegay PSG inuusan wax heshiis kordhin ah samaynayn waxaana uu doonayaa inuu kooxda ka tago xagaagan ama ka dambe xilli heshiiskiisu dhacayo 2022. (AS – in Spanish)
Rennes 18 sano jirkeeda khadka dhexe ee Eduardo Camavinga ayaa doorbidaya inuu kooxaha La Liga u dhaqaaqo kaddib markii wadahadaladii u dhaxeeyay isaga iyo Man United lagu sifeeyay kuwo aan dhiirigelin lahayn. (Manchester Evening News)
Barcelona ayaa aaminsan in haddii uu Cristiano Ronaldo ka tago xagaagan ay Juventus heshiis amaah ah kaga soo dalban doonto Antoine Griezmann oo ay xagaaga dambe dookh u haysato inay rasmi u iibsato. (Sport – in Spanish)
Barca madaxweynaheega Joan Laporta ayaa sheegay inay kooxdu aad u qiimayso Griezmann balse ay u furan yihiin dalabaadka laga soo gudbiyo. (Goal)
Arsenal ayaan wax heshiis ah oo cusub ka saxeexan doonin Alexandre Lacazette waxaana ay soo dhawayn doonaan dalabaadka 15-ka Milyan ee pound ah ee laga soo gudbiyo 30 sano jirkaas oo mar rekoodhkooda suuqa ay kula soo wareegeen si ay uga sameeyaan hadda lacag ay ugu dhaqaaqaan Tammy Abraham. (Sun)
Newcastle United tababaraheega Steve Bruce ayaa sheegay inay xiisaynayaan inay Arsenal dib ugala wareegaan Joe Willock balse ay sugayaan go’aanka Gunners iyo 21 sano jirkaas.. (Sky Sports)
Rangers tababaraheeda Steven Gerrard ahna halyeeyga Liverpool ee ayaa sheegay inuu layaabay wararka la xidhiidhinayay Everton isla markaana aysan wax abid dhacaya noqonayn inuu tababaro kooxdaas cadaawadu kala soo dhaxaysay. (ESPN)
Liverpool ayaa isha ku haysa inay heshiis cusub dhawaan ka saxeexato Mohamed Salah oo 29 sano jir ah xilli heshiiskiisii hore dhacayo 2023. (Liverpool Echo)
Fulham ayaa ku dhaw heshiis 10 Milyan oo pound ah oo ay Fulham kagala soo wareegayso 24 sano jirka Harry Wilson. (Sun)
Bayer Leverkusen ayaa dalab 30 Milyan oo pound ah ka diiday Aston Villa oo ka doonaysay Leon Bailey. (Football Insider)
Manchester City 24 sano jirkeeda weeraryahanka ah ee Gabriel Jesus ayaa halka ugu sarreysa kaga jira bar-tilmaameedyada Juventus ee xagaagan. (Calciomercator – in Italian)
Juve ayaa sidoo kale dib u bilaabaysa wadahadalada ay kula soo saxeexanayso 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Sassuolo ee Manuel Locatelli. (Mail)
Wakiilka weeraryahan Paulo Dybala ayaa la filayaa inuu Juventus la bilaabo wadahadalada heshiis cusub xilli qandaraaskiisii hore hal sano ka hadhay. (Calciomercato – in Italian)
Kooxaha South American-ka ah ee Boca Juniors, Flamengo iyo Club America ayaa xiisaynaya saxeexa 34 sano jirka Inter Milan ee Arturo Vidal balse ciyaaryahanka ayaa doonaya inuu hal koox oo kale oo Yurub ah u ciyaaro kahor inta uusan qaaradaas ku laaban. (Gazzetta dello Sport – in Italian)