Skip to content
Sunday, June 21, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Macron blasts U.S. for forsaking allies and breaking international rules
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

Saved stories

North-Africa

Turkey’s Regional Influence and Somalia’s Future Draw Attention

Turkiga, saamaynta gobolka, iyo su’aasha mustaqbalka Soomaaliya 
Turkey’s Regional Influence and Somalia’s Future Draw Attention

Qore: Yusuf Said HersiSunday June 21, 2026

Aragti Siyaasadeed

Sanadihii u dambeeyey, Turkigu wuxuu si muuqata uga soo baxay inuu noqdo awood aan laga tallaabsan karin oo ka dhex muuqata Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo Geeska Afrika. Siyaasadda dibadda ee Ankara ma sii aha oo keliya mid ku eg ganacsiga, maalgashiga iyo gargaarka horumarinta; marar badan waxay isu rogtay saameyn siyaasadeed iyo amni oo si toos ah u taabanaysa go’aannada dalal kale. Libya iyo Azerbaijan ayaa inta badan loo soo qaataa tusaale, iyadoo Turkigu halkaas si cad ugu garab istaagay dowlado iyo hoggaamiyeyaal uu u arkay inay la jaanqaadayaan dano istiraatiijiyadeed oo uu leeyahay.

Libya, Turkigu wuxuu si weyn u garab istaagay Dowladda Midnimada Qaranka xilli colaaddii sokeeye ay si xawli ah u sii xoogeysaneysay. Taageeradaas waxay lahayd dhinacyo ciidan, diblomaasiyadeed iyo farsamo oo isku dhafan. Saameynta ka dhalatay waxay siisay dowladda uu Ankara taageerayay awood ay ku sii joogteyso masraxa siyaasadda xilli ay wajahayso cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibaddaba ka imanayay. Sidaas awgeed, dad badan ayaa Turkiga u arka mid ka mid ah awoodaha ugu miisaanka culus ee go’aamiya jihada siyaasadda Libya.

Sidoo kale, Azerbaijan, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii Nagorno-Karabakh, Turkigu wuxuu si aan la qarin u taageeray dowladda Baku. Guushii militari ee Azerbaijan kadib, miisaanka Ankara ee gobolkaas ayaa sii kordhay, taasoo u furtay fursado ay ku ballaariso xiriirkeeda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Marka loo soo jeesto Soomaaliya, waxaa muuqata in Turkigu tan iyo 2011 uu noqday saaxiibka dibadda ee ugu firfircoon. Wuxuu dalka ka hirgeliyey kaabayaal dhaqaale, isbitaallo, iskuullo, saldhigyo ciidan iyo mashaariic horumarineed oo tiro badan. Dowladda Turkiga waxay sidoo kale xiriir dhow la yeelatay hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya, taasoo ka dhigtay Ankara xulafo si joogto ah uga dhex muuqda Muqdisho.

Haddana su’aasha ay qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed isweydiinayaan ayaa ah: doorka Turkigu ma ku egyahay horumarinta iyo iskaashiga amniga, mise wuxuu si tartiib ah ugu gudbayaa saameyn toos ah oo ku saabsan jihada siyaasadda gudaha Soomaalia?

Aragtidan waxay ku doodaysaa in Turkigu, sida uu ugu lug yeeshay qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Libya iyo Azerbaijan, uu doonayo inuu yeesho saameyn la taaban karo oo ku saabsan hoggaanka iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya. Kuwa sidaas qabana waxay tusaale u soo qaataan xiriirka adag ee u dhexeeya Ankara iyo Villa Soomaaliaya, iyo sidoo kale kaalinta Turkiga ee taageeridda  dowladaha iyo maamullada la shaqeeya dowladda federalka.

Qaar ka mid ah dadka aragtidan qaba waxay sidoo kale ku andacoodaan in habkii uu u dhacay isbeddelka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu muujinayo sida isbahaysiyada gudaha iyo dibadda ee taageerayay maamulkaas ay door muuqda ugu yeesheen sii jiritaankiisa. Waxay rumeysan yihiin in Turkigu ka mid ahaa quwadihii dibadda ee ka shaqeeyay xasilloonida maamulkaas. In kasta oo aanay jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Ankara ay si toos ah u dooratay ama u magacawday hoggaamiyeyaasha maamullada Soomaaliya, haddana dooddaas weli waxay ku dhex nool tahay falanqeeyeyaasha siyaasadda.

Dhanka kale, dadka taageersan siyaasadda Turkiga waxay ku doodaan in Ankara aysan Soomaaliya ula dhaqmin sida quwadaha kale ee gobolka, balse ay xoogga saarto dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed. Sida ay qabaan,  xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay iskaashi laba geesood ah oo labada dhinacba faa’iido ka helaan.

Iyadoo ay sidaas tahay, waxaa la filan karaa in Turkigu sii ahaado ciyaaryahan muhiim ah oo aan laga maarmi karin marka la eego siyaasadda Soomaaliya. Arrimaha Galmudug, wada-hadallada siyaasadeed, dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa dhammaantood noqon kara meelo lagu cabbiro heerka dhabta ah ee saameynta Ankara.

Gabagabadii, su’aasha ugu weyn ma aha in Turkigu saameyn ku leeyahay Soomaaliya iyo in kale, maadaama joogitaankiisa dhaqaale, amni iyo diblomaasiyadeed ay taas caddeynayaan. Su’aasha dhabta ahi waa heerka ay gaarsiisan tahay saameyntaas iyo sida ay mustaqbalka u qaabeyn karto siyaasadda Soomaaliya.  Jawaabta arrintaas waxaa bixin doona dhacdooyinka sannadaha soo socda iyo sida ay u dhacaan heshiisyada siyaasadeed, doorashooyinka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

___________________

Yusuf Said Hersi[email protected]