DG Galmduug oo maanta Bandow gelisay Degmada Caabudwaaq! –
Hogaamiye ku xigeenka DG Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la sheegay in uu laamaha ammaanka amray dhaqangelinta Bandowgaan oo lagu sugayo ammaanka Magaalada Caabudwaaq oo bilawday Maanta 11:30 AM.
Gudaha Degmada waxaa la dhigay Ciidamada ammaanka oo ilaalinaya dhaq-dhaqaaqa dadka, iyaga oo baaraya xaafadaha qaar oo ay ku tuhmayaan maleeshiyaadka dilalka aanooyinka geysta.
Waxyar kahor inta aan bandowga Degmada Caabudwaaq la gelin waxaa lagu toogtay qof kamid ah dadka degmadaas, waxaana baxsaday gacan ku dhiiglihii falkaas dilka ah geystay.
Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Caabudwaaq ayaa ku dhaqaaqay raadinta ninka dilka geystay, Bandow ayuu geliyay xaafadaha Degmadaas ilaa inta laga sugayo ammaanka Magaaladaan.
Odoyaasha Beelaha Degmada Caabduwaaq ayaa ku baxay daminta xiisad ka dhalatay dilkaas, waxa ay ku howlan yihiin isu keenidda dhinacyada gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka uu dilay.
Dhawaan ayaa dib u heshiin loo sameeyay beelo ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ku dagaalamay Caabudwaaq, sidoo kale isku geystay dilalka aanooyin ah oo lagu naf dhaafiyay dad u badan Xoolo dhaqato.
Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Galgaduud Col Dhagahoor ayaa laamaha ammaanka faray in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha jebiyay xabad joojinta beelaha la kala dhexdhigay si loo horgeeyo maxkamad looguna qaado falka uu geystay.
Axadle.