CAJIIB: Saxeexyada Varane Iyo Sancho Oo Durba Saameeyay Paul Pogba &

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aankiisii hore ee kooxdaasi bedeli karo kaddib saxeexyada cusub ee suuqa xagaagan ilaa haatan lagu soo kordhiyay Old Trafford.

Manchester United ayaa dhaq-dhaqaaq cajiib ah ka samaynaysa ilaa haatan suuqa waxaana ay xaqiijiyeen saxeexyada Raphael Varane oo ay Real Madrid kala wareegeen iyo Jadon Sancho oo Borussia Dortmund kaga biiray.

Labadaas xiddig ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer toos usoo galaya shaxdiisa koowaad iyaga oo booska garabka midig iyo daafaca dhexe oo muhiimad weyn u lahaa ka caawin doona xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22.

Haddaba, sida uu hadda sheegayo kanaalka Sky Sports, Pogba ayaa mustaqbal wanaagsan ka arkaya Man United balse wali ku taagnaan kara go’aankiisa ah inuusan heshiis kordhin ku deg-degin walow uu la dhacsan yahay saxeexyada cusub.

Sky ayaa intaas ku daraya in Pogba uu jecel yahay Red Devils balse uu qabo taxadar maadaama oo heshiis cusub oo uu ku saxeexo da’da 28 sano jir uu noqon karo midkii ugu dambeeyay ee weyn ee waayihiisa ciyaareed.

Xiddiga French-ka ah ayaa ahaa mid lala xidhiidhinayay bixitaan gudaha suuqa, kooxda Paris Saint-Germain ayaa la xusayaa inay 50 Milyan oo euro ku dalban karto.

Ugu dambayn, Pogba ayaa ah mid xidhiidh wanaagsan la leh tababaraha kooxdiisa ee Solskjaer sidoo kalena la dhacsan imaatinka Sancho iyo Varane oo ay isaga France kasoo wada jeedaan taas oo dhalin karta inuu go’aan cusub qaato.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More