Villarreal Oo Ka Xaqiijisay In Halbowlahoodii Khadka Dhexe Dhaawac Ku

Kooxda reer Spain ee Villarreal ayaa xaqiijisay, in ciyaarta koobka ah ee UEFA Super Cup ee ay Chelsea ku ballansan yihiin uu ka maqnaan doono laacibka khadka dhexe ee Dani Parejo oo xuddun u ahaa guushoodii xilli ciyaareedkii hore.

Villarreal oo kusoo guuleysatay Europa League iyo Chelsea oo hanatay Champions League ayaa August 11 waxay ku dagaallami doonaan UEFA Super Cup oo midkooda guuleysta la siin doono koobka.

Chelsea ayaa finalkii Champions League waxay ku garaacday Manchester City oo ay kaga adkaatay gool madi ahaa oo uu u dhaliyey Kai Havertz, iyagoo semi-finalkiina kusoo tuntay Real Madrid. Villarreal ayaa iyaduna ciyaartii finalka waxay ka adkaatay Manchester United, halka ay dhexda kusoo jiidhay kooxo kale oo waaweyn.

Tababare Unai Emery oo shaqo layaableh ka qabtay Villarreal ayaa ka hor-tegi doona Thomas Tuchel oo isaguna shan bilood gudahood ugu qaaday Chelsea koobka ay siddeedda sannadood raadinayeen ee Champions League.

Kulankan oo ka dhici doona garoonka Windsor Park ee Belfast, isla markaana ay 13,000 qof iman doonaan garoonka sida ay UEFA sheegtay, waxay Villarreal waayi doontaa xiddigooda khadka dhexe ee Dani Parejo oo ka dhaawacan muruqa.

War-saxaafadeed ay soo saartay Villarreal ayay ku sheegtay, in Parejo uu ku dhaawacmay ciyaartii saaxiibtinimo ee Levante, isla markaana uu muddo bil ah garoomada ka maqnaan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More