Skip to content
Sunday, August 23, 2026 9 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:01
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia-Pakistan Defence Ties Draw India’s Attention Across the Indian Ocean
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

BAL WAALLIDAN EEGA: “Waxa Aan Xidhanyaa Calaamadda Qowmu-luudka,

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Laacib

Ma ka filaysay in waxan oo kale uu samaynayo, maxase rajaynaysaa in haddii uu ficilkan sameeyo uu ciyaarta dhamaysan doono?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Netherlands ayaa shaaciyey inuu kulanka Czech Republic ee wareegga 16ka tartanka qaramada Euro uu xidhan doono calaamadda Qowmu-luudka ee midabka Jeegaanta oo kale ah, taas oo uu ugu doodayo xuquuqda dadka dhaqan-xumooyinkan sameeya.

Georginio Wijnaldum oo ah kabtanka Holland ayaa waxa uu dalkiisa u hoggaamin doonaa kulanka ka dhici doona magaalada Budapest ee caasimadda Hungary, gaar ahaan garoonka Buskas Arena, waxaanu ku kici arrintan ay hubaasha tahay inaad ka cadhoon doonto.

Xidhiidhka  kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa Arbacadii u diiday Jarmalka in garoonka Allianz Arena laga shido laydka jeegaanta ee calaamadda dadka dhaqamada Qowmu-luudka sameeya, taas oo dood badan ka dhalatay maadaama Gaaladu yihiin dad fasahaaday.

Wijnaldum oo dhowaan ku biiray PSG kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Liverpool ayaa waxa uu sameeyey laba ballan-qaad oo midkoodna uu ugu doodayo Qowmu-luudka midka kalena uu kagasii hor-tegayo in la aflagaaddeeyo, waxaanu sheegay in uu garoonka iskaga bixi doono haddii midabkiisa lagu cunsuriyeeyo.

Caasimadda Hungary ee Budapest ee ay ka dhacayso ciyaarta Netherlands iyo Czech Republic ayaa hore loogu cunsuriyeeyey ciyaartoyda Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo oo ay taageereyaashu aflagaaddeeyeen.