Skip to content
Wednesday, September 2, 2026 19 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 11:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Somalia Says Ankara Declaration Governs Ethiopia Ties, North Western State of Somalia Deal No Longer Relevant
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley iyo dhowr qof oo kale ayaa ku dhintay qarax – Axadle

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Gudoomiyihii Deegaanka Garage C / raxmaan Garyare ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay Qarax loogu xiray gaarigiisa oo marayay duleedka Caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay labo ka mid ah ilaaladiisa oo gaariga la saarnaa Gudoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa ka soo baxay salaadii jimcaha halkaas oo uu kula tukaday bulshada deegaanka masaajid ku yaal Garas Baaley.

Garyare wuxuu door muhiim ah ka qaatay aasaaskii deegaanka Garasbaaleey wuxuuna kamid ahaa aasaasayaashii deegaanka Garasbaaleey sanado badan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, laakiin intooda badan waxaa fuliya Al-shabaab oo dagaal adag la gashay saraakiisha dowladda.

Afar bilood uun ka hor ayey ahayd markii qarax sidan oo kale ah uu ka dhacay deegaanka Garasbaaley, gudoomiye ku xigeenka iyo gudoomiyaha dhalinyarada ee deegaanka.