Balaayada Ka Dilaacday Yurub Oo Saameyn Xun Ku Yeelaneysa Liverpool &

Liverpool ayaa shaacisay qorshe ay ugu biireysa European Super League xalay oo Axad aheyd, inkastoo tababarahooda Jurgen Klopp uu si xoogan uga soo horjeedo fekerkaas.

Reds ayaa ka mid ah 12 kooxood oo saxiixay inay dhisaan horyaalka cusub ee Super League, waxaa la shaaciyay in la tartanka uu bilaaban doono 2024 oo ah sannadka uu dhacayo qandaraaska Klopp ee Anfield.

Tottenham, Manchester United, Arsenal iyo Chelsea ayaa sidoo kale ku biiray tartanka cusub inkastoo kooxahaan ay halis gelinayaan in laga ceyriyo horyaalka Premier League.

Warka ku saabsan European Super League ayaa ahaa mid sannado soo socday, laakiin labo sannadood ka hor tababaraha Liverpool ayaa si xoogan uga soo horjeestay fekerka horyaalka cusub.

Wuxuu yiri: “Waxaan rajeynayaa in horyaalkaan Super League inuusan marnaba dhicin.

“Sida haatan Champions League uu u socdo, kubada cagta waxay heystaa tartan aad u weyn, xitaa Europa League ayaa ah tartan weyn.

“Aniga ahaan, Champions League ayaa ah Super League oo aadan inta badan ka hor imaaneynin kooxo isku mid ah.

“Dabcan dhaqaale ahaan waa muhiim laakiin waa maxay sababta aan u abuureyno tartan cusub oo ay Liverpool la ciyaareyso Real Madrid 10 sannadood oo xiriir ah?

“Kumaa doonaya inuu kulankaas daawado sannad walba?”

Milkiilayaasha Liverpool FSG ayaa wajahaya carada Klopp iyo taageerayaashooda kuwaasoo soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan ka dib markii la shaaciyay qorshahaan.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More